Ciidamada Ivory Coast oo Gadooday

0
404

Wasiirka arrimaha gudaha ee Ivory Coast, Hamed Bakayoko, ayaa sheegay in dowladda ay meel marin doonto dalabaadka askarta gadooday ee doonaya in la siiyo mushaarkoodii intii ay ku guda jireen gadoodka.
Waxa uu ballanqaadkaasi ka jeediyey telefishenka habeenkii Salaasadii, kaddib markii ciidamada ay u xidheen wadooyinka magaalooyinka ugu waaweyn dibadbaxyo darteed.
Mr Bakayoko ayaa sidoo kale sheegay in Askarta dibad baxday aanan wax tallaaba ah laga qaadeynin.
Mushaharkan ayaa la filayaa in la siiyo 9, 000 oo horay uga tirsanaan jiray dagaalyahanada falaagada ah kuwaas oo markii dambe lagu biiriyey ciidanka qaran.
Dagaalyahanadan ayaa waxa ay qeyb ka ahaayeen ciidamo daacad u ah Alassane Ouattara, kaas oo xafiiska madaxweynaha la wareegay sanadkii 2011, arrintaas oo lagu soo afjaray dagaalkii sokeeye ee dalkaasi ka taagnaa.
Horaantii salaasadii, ayaa wasiirka difaaca Paul Koffi Koffi, waxa uu amray in ciidamada ay dib ugu soo laabtaan saldhigyadooda, kaddib markii ay xidheen wadooyinka magaalooyinka Abidjan iyo Bouake.
Arbacadiina waxaa muuqatay in ciidamadan ay dib ugu laabteen saldhigyadoodii magaalooyinka Abidjan, Bouake iyo Korhogo, kaddibna waxaa furmay wadooyinka muhiimka ah ee magaalooyinka.
Waxa uu ahaa dibed bixii ugu weynaa ee ay sameeyaan ciidanka tan iyo markii uu xukunka la wareegay madaxweyne Alassane Ouattara.
 

Leave a Reply