Ergadii Guurtida oo Maanta Ku Dhawaaqaysa Go’aamo Ay Ku Furdaaminayaan Khilaafka Golaha Wakiiladda

0
443

Hargeysa (DAWAN)- Guddidii Guurtida ee xal u helida khilaafkii Golaha Wakiiladda ayaa lagu wadaa inay go’aamo ay ku furdaaminayaan khilaafkaasi ay kaga dhex dhawaaqaan fadhiga Sabtida maanta  uu yeelanayo aqalkaasi ee lagu furayo kalfadhiga 25-aad.
Lama garanayo qoddobada ay Golaha Guurtidu  ku dhawaaqayaan, hase yeeshee waxa la sheegay inay fadhiga maanta ku faahfaahin  doonaan go’aamo ay ku soo afjarayaan khilaafka u dhaxeeya Mudaneyaasha aqlabiyadda ah iyo xildhibaanada laga tirada badan yahay  ee taabacsan Guddoomiyaha wakiiladda ahna Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).
Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ayaa u dheg taagaya qoddobada ay Guurtidu maanta la shir iman doonto, waxaanay labada dhinacba hore u shaaciyeen inay dhego furan iyo hawraarsan ku qaabili doonaan go’aamadda ka soo baxa guddigii ergada ahaa ee Golaha Guurtida oo muddo todobaad ah waan-waan ka dhex waday labada dhinac.
Khilaafka Golaha Wakiiladda ayaa ka dhashay ka dib markii Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu uu foojariyeeyay xeerkii diiwaan-gelinta madaniga iyo codbixiyeyaasha oo uu wax ka bedal ku sameeyay go’aankii Golaha wakiiladdu ku ansixiyay xeerkaasi, iyadoo uu Guddoomiyuhu aqalka guurtida u gudbiyay xeer la nasakhay oo uu wax ka bedal ku sameeyay, tallaabadaas gurracanina  ay khilaaf culus ka abuurtay Golaha markii uu wax garowshiiyo ah ka bixin waayay fadeexadaasi oo si gaar ah iyo fagaareba kaga  cadaatay  inuu taataabtay xeerkii diiwaan-gelinta oo uu ugu tallo-galay inuu danta iyo maslaxadda xisbigiisa waafajiyo.
Dhacdadaasi waxay aakhirkii dhalisay In xildhibaanadda aqlabiyadda ahi ay Sabtidii toddobaadkii hore miiska soo saareen mooshin xilka lagaga qaadayo Guddoomiyaha Wakiiladda, hase yeeshee Golaha Guurtida ayaa ku guntaday oo soo dhex galay, ka dibna waxay maanta loo balansan yahay inay ku dhawaaqaan qoddobadii ay ku soo afjari lahaayeen khilaafka taagan.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply