Ninkii u Han Weyn Hoggaanka Dalkoow, Hankaagu Ha Dhaafo Reer Hebel!! (Q. 2-aad)

0
558

Ninkii u Han Wayn Hoggaanka Dalku, ha ogaado inaanu ku hanan karin Reer-Hebelnimo. Hoggaanka dalka laguma hanan karo Qabyaalad, Gobolaysi, aflagaado, xaalad-abuur, qof ama qabiil nacayb, kala qaybin bulsho iyo ummadda oo la iska horkeeno. Hoggaanka dalka hanashadiisu hab loo maruu leeyahay!!
 
Ninkii u Han Wayn Hoggaanka Dalku waa inuu la yimaado aragti, bisayl iyo hayal-samaan siyaasadeed oo uu ku hananayo quluubta iyo maanka cod-bixiyeyaasha. Haddii uu hankaagu ku siiyo inaad noqoto Hoggaamiye Qaran, waa inaad la timaado farsamo iyo bisayl siyaasadeed oo aad u qoto-dheer oo salka ku haysa daacadnimo, run-sheegnimo, waayo-aragnimo iyo dulqaad. Waa inaad la timaado tab iyo farsamo siyaasadeed oo Qaran lagu dhiso Ummadna lagu hoggaamiyo. Haddii aad tahay Hoggaamiye Xisbi Qaran oo u Han Wayn Hoggaanka Dalka, waa inaad ogaataa oo aad si fiican u fahantaa in helitaanka kalsoonida iyo taageerada shacbiga JSL ay tahay qiimaha iyo abaal-marinta ugu sarraysa ee ay u tartamayaan Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Qaranka ee siyaasadda ku loollamaya.
 

  1. Astaanta Dib u Dhaca iyo Dararta Baahida!!

Waqtigan xaadirka ah, mashaakilka ugu weyn ee Ummaddeena haysataa waxa weeye: ku dhaqanka Qabiilka iyo Maan-dooriyaha Reer-hebelnimada ayaa noqday Halbeegga iyo Min-qiyaaska jiheeya hab nololeedka iyo qaabka fikirka siyaasiga ah ee qaybo badan oo ka mid ah bulshada JSL. Waxa lagama maarmaan ah inay bulshadu ogaato in Qabiilka iyo Reer-hebelnimadu ay yihiin Astaanta Dib u Dhaca iyo Dararta Baahida!, iyagana aanay haba yaraatee wax dan ahi ugu jirin. Qabiilka iyo Reer-hebelnimadu waxay Carqalad weyn ku yihiin Hanaqaadka Dareenka-Waddaniyadda ee bulshadeena mideeya, isla markaana waxay inaga hortaagan yihiin inaynu mudnaanta iyo ahmiyadda koowaadba siino waddaninnimada, midnimada bulshada iyo ahaanshaha Ummadnimadeena. Qarannimada, Qabyaaladda iyo Hannaanka Dimuqraadiyaddu waa saddex hab oo aan sinaba isu waafaqayn. Ummadda JSL waa bulsho doonaysa inay saddex hab oo aan is-qabanayn hal mar la wada adeegsato. Taasina waa ma dhacdo waxana hubaal ah in jaah-wareer iyo kala-qaybsanaan bulshoba ay jiri doonaan!!
 
Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax) mar uu maanso ku cabbirayey doorka ay Bulshadu ku leedahay kaalmaynta qofka Qabiiliga iyo kobcinta Qabyaladda wuxuu yidhi:
 
Qoontaada Bulshooy,
Qaybaad Ka Tahoo.
Adaa Qalad Jira,
Indhaha Ka Qarshoo.
Ninkii Qaska Wada,
Ka Dhiga Qumanoo.
Qabiil Ku Difaaca,
Kii Ku Qashee.
Maxaad Ku Qabtaa,
Qabyaalada Baas??
 

  1. Talo kaa Gurracantaa Guul kaa Fogaysa!!

Muranka Sharci ee haatan ka dhex aloosan Golaha Wakiillada, haddii uu Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI is yidhi waxa kuugu jirta fursad siyaasadeed ee ka faa’iidayso, waxaan aaminsanahay in haba yaraatee arrintaasi aanay wax faa’iido u keenin Guddoomiye Cirro iyo Xisbigiisa WADDANI. Gu’baa kaga dhacay arrintaa iyada ah waxana dhacday BIL-CAGSIGA wixii Guddoomiye Cirro filayey!! Muranka Golaha ee uu Guddoomiye Cirro horseedka ka yahay waxay waxyeello weyn oo siyaasadeed u geysteen sumcadda iyo taageerada ay shacbigu u hayaan Guddoomye Cirro iyo Xisbigiisaba. Dad badan baa dhacdadan ku baraarugay dibna isaga taagay, isla markaana su’aalo iska weydiinaya daacadnimada iyo dal-jacaylka Guddoomiye Cirro iyo Xisbigiisa WADDANI. Sidoo kale, waxa dhici karta in taageerayaal baaxad lihi ay ku kalsoonaan waayaan kartida hoggaamiyenimo ee Cabdiraxmaan Cirro iyo awoodda uu u leeyahay inuu qaato go’aano muhiim ah ama inuu ku dhiirran karo inuu xal u helo khilaaf iyo muran cakiran oo u baahan in laga qaato go’aan hoggaamiyenimo. Waxa suurto gal ah in taageerayaal badani ay isku qancin doonaan in Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI aanu weli u bislayn hanashada hoggaanka dalka ugu sarreeya.
 
Nin qaaday Xil iyo Masuuliyad Qaran, oo ah siyaasi Ummadda dhexdeeda ku leh miisaan culus, oo laga yaabo in maalin maalmaha ka mid ah isaga loo doorto Hoggaamiyaha Qarankan, bal iyaba waa cibaaree, miyaanay ahayn nasiib darro inteeda le’eg in haddana weli ay hankiisa iyo damaciisa siyaasadeedba ku salaysan yihiin Tollaay Yaa Reer Hebelaay!!  Miyaanu Hab-dhaqanka noocan ahi nusqaan weyn ku ahayn garaadka iyo damiirka ummad iyagu ka gudbay Reer-Hebelnimo oo doorbiday inay noqdaan bulsho  Dimuqraadi ah??  Bal aynu is weydiinee maxaynu uga guurnay nidaamkii hab-beeleedka ee aynu u qaadanay nidaamka Dimuqraadiyadda iyo hannaanka Xisbiyada badan??
 
Bal aynu is weydiinee ma jiraa Qabiil ama Beel ka mid ah beelaha ku nool dalka  JSL oo iyagu odhan kara annagaa ugu badan ummadda Jam. Somaliland oo waxaanu nahay 51% ama in ka badan marka la eego dadka ku nool JSL?? Waa kee qabiilka iyagu kaligood cod ku soo saari kara Murashaxa u tartamaya jagada M/weynenimada iyagoon taageero ka helin bulshada kale ee ay nolol wadaagta yihiin??  Hoggaamiye Xisbi Mucaarid oo qawaday inuu ahaado masuul Qaran, ma kula tahay inuu Qolonnimo iyo Reer-Hebelnimo ku hanan karo Hoggaanka dalka ugu sarreeya, ummaddana uu sidaa ku hoggaamin karo??!!
 

  1. Gebagabo:

Codbixiyeyaashu waxay doonayaan in Hoggaamiyaha Berrito uu noqdo  kii garan kara miisaanka uu leeyahay Xilka uu bulshada u hayo isla markaana qiyaasi kara saamaynta ay hadalladiisa, ficilladiisa iyo hab-dhaqankiisuba ku yeelan karaan bulshada uu rabo inuu hoggaamiyo ee uu Xisbigiisa codka uga doonayo. Codbixiyeyaashu waxay doonayaan in Hoggaamiyaha Qaran ee Berrito uu noqdo dulqaataha iyo addeecaha danta Qaranka ee maanta!!
 
Codbixiyeyaashu waxay isha ku hayaan hab-dhaqanka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, waana iyaga kuwa go’aanka ugu dambeeya ka gaadhi kara cidda ay talada iyo hoggaanka dalka u igmanayaan ee ay ku aaminayaan. Guddoomiye Cirro iyo Xisbigiisa WADDANI waxa looga fadhiyaa inuu soo bandhigo oo uu Codbiyeyaasha ka dhaadhiciyo barnaamijka, hadafka iyo himilada siyaasadeed ee  Xisbigiisa min-qiyaaska u ah ee uu bulshada ku hoga-tusaalaynayo in isaga iyo Xisbigiisu ay talada iyo hoggaanka dalka iyo dadkaba uga fiicnaan lahaayeen Madaxweynaha hadda talada haya iyo Xisbigiisa KULMIYE.
 
ALLAA Mahad iyo Mudnaanba leh,
Jam.Somaliland: Guul, Horumar iyo Ictiraaf Caalami ah
W/Q:  Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Hargeysa, Somaliland|

Leave a Reply