Dhalinyarro reer Hargeysa Ah Oo Si Weyn Isku Barbar Taagay Xukuumadda

0
362

Hargaysa (DAWAN)- Ururka Horumarka Iyo Isku Xidhka Qeybaha Kala Duwan Ee Beelaha Ciidagale Ee Dega Magaalada Hargaysa  ayaa taageero u muujiyey waxqabadka Xukuumadda Somaliland ee Md. Siilaanyo Hoggaamiyo.

Xafladdan oo lagu taageerayey waxqabadka xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Siillaanyo ayaa xalay  lagu qabtay Huteel Star ee Magaaladda Hageysa waxa soo qaban qaabiyey ururka Horumarinta ee Horseed , iyada oo ay ka soo qeybgaleen , Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe), La Taliyaha Arrimaha Bulshadda ee Madaxweynaha Somaliland Maxamed Iid Dhimbiil, Guddoomiyaha Degmadda Maxamed Mooge Mujaahid Yuusuf Colaad Seed, Xildhibaan Maxamed Maxamuud Dheeg oo guurtidda ka tirsan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Jaamac Maxamed Odey iyo Dhalinyarada Beel Waynta Ciidagale ee ururka horumarinta dhalinyaradda ee Horseed Network Organization , salaadiin iyo marti sharaf kale oo badan.

Guddoomiyaha Ururka Horumarka iyo Isku xidhka qeybaha kala duwan ee Beelaha Cidagale Aadan Mataan oo isagu ugu horeyn faahfaahin ka bixiyey waxa uu u taagan yahay ururkooda Horseed iyo taagaarada ay la garabtaagan yihiin xukuumadda uu hogaamiyaha ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed (Siillaanyo) waxaana uu yidhi “ Inta aanan macnaha iyo ujeedada ururka horumarinta ee Horseed ka waramin waxa aan halkan ka xusayaa hal qodob oo ka mid ah waxa ay daaran tahay munaasibadaneenu oo ah kulanka xog waran iyo qiimeynta waxqabadka xukuumadeenani ku talaabsatay,hadii aan ku horeeyo kulankan xog waran waxa aanu aasaasnay ururkan Horseed xiligii ay soo hurayeen golayaashan deegaanka ee imika la doortay intii aan la bilaabinba ka dib waxana aanu ururkan ku shaacinay Huteel Dalxiis ee Hargeysa,waxyaabii noo qabsoomay mudadii aanu jirnay urur ahaan halkan ku ma soo bandhigi karno dhamaantood balse xaflado kale ayaanu ku soo bandhigi doona waxana jirta xaflad qiimo leh oo iyaduna ka socotaa xaafadda oo masuuliyiinti ka wada qeybgaleen waana xaflad anaga naga sii qiimo badan waana dhalinyaradii la odhan jiray Arsenal oo hore dhib badan dawladda ugu haysay oo hada ay xukuumadda ay is fahmeen oo ALLE kheyr ha siiye waxa fududeeyey isfahanka Sheekh maxamed Cali Geedi waxana noo diyaar ah shahaado sharafyadii aanu siin lahayn cidii aanu hore u xusnay ee xukuumadda ah xukuumadduna qabiil maaha ee waa qaran”.

Suldaan Cali Baane oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Waxa aan inyar ka horeysiinayaa maanta waxa dhintay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siillaanyo walaalkii ALLE ha u naxafiistee isagana la yidhaahdo Jaamac Maxamed Maxamuud ALLE ha u naxariisto madaxweynaha iyo qoyskiisabana Samir iyo iimaan ha ka siiyo wax kheyr lehna ha ugu bedelo,anigu waxa aan leeyahay oo hadaladii la yidhi ku darayaa waar ha lays afgarto hadii lays afgarto waxqabad waa uu iman doona waanan soo dhaweynayna munaasibadan sharafta leh ee aad waxqabadka xukuumadda ku soo dhaweynaysaan”.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Jaamac Maxamed Odowaa oo halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa ku amaanay munaasibadan ay ururka dhalinyarta ee Horseed ku taageersan yihiin waxqabadka xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Siillaanyo waxanu ku  booriyey inay halkaasi ka sii wadaan dedaalka iyo horumarka ay ku talaabsadeen mudadii ay jireen ka xukuumad ahaana ay diyaar u yihiin inay wax la qabtaan inta suurto gal ah.

Odeyga Qaranka Somaliland Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo isna halka hadal kooban ka jeediyey waxa uu yidhi “Wixii aan odhanlahaaba waa la yidhi waxanse halkan tacsi uga dirayaa Qoyska Madaxweynaha Somaliland ee reer Maxamed Maxamuud oo aan ka tacsiyeynaayo marxuun Jaamac Maxamed Maxamuud geeriduna waa xaq waana la wada dhimanayaa oo isagana ALLE naxariista ha ka waraabiyo Somalland –na ALLE ha ka cawilo,munaasibadan aynu joognana waan soo dhaweynayaa ee ururka Horseed ee dhalinyartu inagu marti qaaday wanaaga halkaasi oo aad ka sii wadaan oo ilaahay ayaa idinku caawinaaya waanad mahadsan tihiin dhamaantiin”.

Xaflladdan ayaa ahayd mid taageero loogu muujinayay xukuumadda iyadoo xafladaasina ay ku soo gabogabowday jawwi deggan oo farxadi ku dheehantahay .

Leave a Reply