Doorashada Tuunisiya iyo Tartanka Wareega Labaad

0
399

Doorashada madaxtinimada dalka Tuuniisiya ayaa gashay wareeg labaad kadib markii uu midna musharixiintii ku guulaysan waayay aqlabiyad 50% ah wareegii koowaad.
Sida ay muujisay natiijadii waxa kala bixi waayay musharixiintii oo midkoodna cod buuran heli waayay.
Musharaxa Beji Caid Essebsi oo ka socda xisbiga  cilmaaniga ah ee Nidaa Tounes party ayaa ugu horeeya musharixiinta, waxaanu helay  39% codadkii la bixiyay, halka uu hoggaamiyaha kummel gaadhka ah Moncef Marzouki oo ku soo xigaa ka helay  33%.
In ka badan 25 musharax ayaa u tartamaya in ay noqdaan madaxweynaha u horreeya ee six or ah loogu soo doorto dalkaasi waqooyiga Afrika ku yaal.
Doorashadan ayaa  ka danbaysay markii kacdoonka lagu riday hoggaamiyihii muddada dheer soo xukumayay  dalkaasi Zine el-Abedine Ben Ali  sannadkii  2011.
Doorashada madaxweynaha  ayaa loo arkaa in ay u tahay geedi socodka dimoqraadiyada guul ballaadhan.

Leave a Reply