Golaha Guurtiddu Waa Marjac Lagu Badbaado Maalmaha Adag

0
401

Hargeysa  (DAWAN)-Murrashax Bedal Cali Cumar oo ka mid ah murrashaxiinta  iclaamisay inay u taagan yihiin doorashada Golaha Wakiiladda ee gobolka maroodi-jeex, ayaa  Golaha Guurtida ku bogaadiyay dedaalka ay u galeen inay soo afjaraan khilaafkii aqalka wakiiladda,

 

Bedal Cali Cumar waxa uu  sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu soo saaray oo  nuqul ka mid ahi na soo gaadhsiiyay, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Waxaan codkayga ku biirinayaa dadka taageeray juhdigii  Ergadii Golaha Guurtidu ay 22-kii Bishan ku soo afjareen khilaafkii Golaha Wakiiladda oo laga cabsi qabay inuu horseedo khilaaf bulshadda kala qeybinaya.

Waxa Golaha Guurtidda ILAAHAY hibo u siiyay in dhinacyadda ay u garnaqaan ay intooda badani aqbalaan go’aamadda ay ku suulinayaan khilaafaadka. Waxa Golaha Guurtidu  yihiin astaan iyo marjac lagu bad-baado oo lagu ciirsado maalinta ay adag tahay. Waxaan Golaha Wakiiladda ee wakhtigiisu dhamaaday ee Muddo dhaafka ku sii fadhiya aan u soo jeedinayaa inay ka waantoobaan khilaafaadka ma dhalayska ah ee mar walba ka dhex dhasha.

Waxa kale oo aan ku boorinayaa inay mudada u hadhay ay  shacbigii soo doortay u abaal celiyaan oo ay xeerarka dalka muhiimadda weyn u leh ansixiyaan isla markaana ay ku shaqeeyaan xeer hoosaadkooda iyo dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.” Bedal Cali Cumar waxa uu ka mid yahay dhalinyaradda aqoonta leh ee gobolka Maroodi-jeex.

Leave a Reply