Guddoomiye Cirro Iyo Dulucda Kulan Uu La Yeeshay Wefti ka socday Safaaradda Ingiriiska ee Itoobiya

0
380

By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Hargeysa(Dawan):- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro)ayaa sheegay in beesha caalamku ay taageersan tahay in doorashadu xilligeeda ku qabsoonto.
Waxaa kale oo uu tilmaamay in weftiga ka socday dalka Ingiriiska ee ay kulmeen ay ka wada hadleen xaalada guud ee dalku marayo.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo  shalay u warramayay warbaahinta,ayaa intaa ku daray in Weftiga  Ingiriis ah ay ka wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo sii xoojintiisa.
 
Gudoomiye Cirro  oo ka hadlayay kulanka ay wada yeesheen Weftiga ka socday dalalka Ingiriiska ayaa hadalkiisa ku bilaabay. “Waxaan maanta(shalay) la kulmay qolo ka socotay Dawladda Ingiriiska, gaar ahaana Wasaaradda arimaha dibada iyo Safaaraddooda Ethiopia, waxay  iga waraysteen guud ahaan Xaalada dalka, waxa kale oo aanu ka wada hadalay Iskaashiga Dawladda Ingiriiska iyo Somaliland”
Md. C/Raxmaan Cirro waxa uu ku dooday in beesha caalamku ay danaynayso in doorashooyinka Somaliland ay qabsoomaan, waxaanu yidhi “In Doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto Beesha Caalamkuna way taageersan tahay, Bulshadeenuna way taageersan tahay,waxaanuna ka wada hadalay Arrinta Gudiga Doorashooyinka  iyo Xeerka Diiwaangalinta ee Guurtida ku maqan. Markaa Gudiga Doorashooyinka  Sabtida ayaa la ansixin doonaa, Xeerkuna waa ka guurtida ku maqan labadaas ayuun baana innaga qabyo ah”

Leave a Reply