Maamulaha Madaarka Hargeysa Oo Ka War Bixiyay Kaalinta ay Kaga Jiraan Madaarrada Geeska Afrika

0
398

 “Madaarka Lagama Hor Joogsado Xisbiyada Mucaaridka Ah Laakiin waxaan Ugu Taag La’nay Sharciga nala Ilaaliya”

 

By:  Faysal Xiis Weerar(Afgaab)

Hargeysa(Dawan):- Maamulaha Madaarka Hargeysa ee Cigaal International  Airport  Maxamed Yuusuf Ismaaciil,  ayaa ka warramay waxyaabahii ugu waaweynaa ee u qabsoomay intii uu xilka hayay iyo higsiga sanadka cusub  ee qorshayaasha madaarka Hargeysa  ay la doonayaan maamul ahaan in ay gaadhsiiyaan.

Waxaa kale oo uu ka hadlay darajada  uu madaarka Hargeysa  uu kaga jiro mustawaha madaarrada caalamiga ah. Maamuluhu Waxa uu sidaa ku sheegay waraysi uu shalay siiyay wargeyska DAWAN.

 

Maamulaha oo ugu horayn la weydiiyay waxa bilihii u dambeeyay u qabsoomay madaarka Hargeysa, waxa uu yidhi “Waxyaabaha noo qabsoomay way badan yihiin waxaanay u kala baxaan waxyaabo kala duwan oo dhammaantood la xidhiidha kor u qaadista tayada Madaarka  waxaa  ugu horreeya ee aanu ku dedaalay waxay ahayd in madaarka caasimadu in uu helo damdamisyo la jaan qaada kuwa madaarrada kale ee tartanku uu naga dhexeeyo,  taasi oo qayb ka qaadanaysa in madaarku uu yeesho diyaarado fara badan oo ku xidhnaada. taasina waxay noo suura gashay sanadkan oo waxaanu madaarka k u soo iibinay laba baabuur oo dab-damis ah,  kuwa ugu tayada wanaagsan ee laga isticmaalo madaarrada caalamiga ah,taasina waxay suura galisay in madaarka caalamiga ah ee Cigaal in uu noqdo madaar la tartama madaarrada mandaqada Geeska afrika, isagoo imikaba ka tayo wanaagsan qaar badan oo ka mid ah madaarrada Geeska Afrika, kana horreeya.”

 

Maamulaha madaarka Cigaal  International  oo hadalkiisa sii watay waxa dhinacyada ay ahmiyadda weyn siiyeen, waxaanu yidhi  “Waxaanu awooda saarnay in aanu shaqada madaarka  kor u qaadno oo aanu horumar ku samayno,markii hore shaqaalaha madaarku wax kala soocnaan ah may lahayn, waanay is dhex qaadi jireen iyadoo aan laba kala garanayn shaqaaluhu laamaha ay ka kala tirsan yihiin,laakiin waxaanu samaynay kaadhadh shaqaaluhu leeyihiin oo kala duduwan isla markaana kala leh midabo,waxaa kale oo aanu samaynay diraysyo kala duwan oo shaqaaluhu kala leeyahay iyadoo waax waliba ay dirayskeeda leedahay isla markaana aanay kooxina koox u gudbayn.

 

Waxaa kale oo aanu wax badan ka bedalay qaabkii loo war-gelin jiray dadka dhoofaya xilli kastana cidda diyaaradoodu markaa diyaarka tahay ee la doonayo in ay soo kacaan sidii miyiga ayaa loogu dhawaaqi jiray oo inta uu qof isa soo taago ayaa la odhan jiray diyaarad heblaayo ayaa tegaysa ee dadkeedu ha soo kacaan,laakiin imika waxaanu u bedelay qaab casri ah oo caalamiya taasoo ay cid kasta oo ku sugan gudaha madaarku ogaanayso xiliga diyaarad kastaaba kacayso waxaanay ka ogaanayaan cod baahiyeyaal  meelaha dadka loogu tallo-galay inay ku sugaan diyaaradaha ku rakiban. Halkaasi ayay kala socdaan diyaarada degaysa iyo ta kacaysaba.”

 

 

 

Maamulaha Madaarka Cigaal International  oo ka jawaabayay sida su’aal ahayd  halka ay kaga jiraan qiimaynta madaarrada caasimadaha Geeska Afrika,waxaanu yidhi  “Madaarka meel aad u hoosaysa ayaanu ka soo qaadnay oo wuxuu ahaa qiimaynta guud 3 ilaa afar,  maanta wuxuu marayaa qiimaynta madaarrada Sagaal  oo imikaba waxaanu ka horraynaa garoomada Muqdisho iyo Jabuuti, waxaanan doonaynaa oo sanadka cusub  noo qorshaysan in aanu gaadhsiino lambar 10 oo ah ka garoomada aanu la tartamayno ee Nairobi iyo Addis-ababa iyo kuwa kale ee Afrika, waxyaabaha aanu kula tartamaynaana maaha hadal aanu iska leenahay oo kaliya ee waa adeeg wanaagsan,ammaano fiican iyo ammaan sugan waana sadexda madaarradu ku hore maraan.”

Maamule Maxamed oo ka jawaabayay   sida ay uga hor tagaan in madaarka Hargeysa ay ka soo degaan dad dambiileyaal ah ama ku eedaysan waxa loogu yeedho argagixisada. “Horta Marka horeba madaarka diyaaradaha adeegga duulimaad ka sameeya waxaanu ka wada shaqaynaa in aanay soo qaadin cid dambiile ah oo caalamka laga baadi-goobayo, ,intaa wixii ka dambeeyana waxay waaxda socdaalku samaysaa in ay wada hubiso dhammaan dadka soo degaya iyo kuwa dhoofayaba markaa cidda aanu ka shakino  baadhitaan ayay martaa,  markaa haddii ay noqoto dambiile waa la qabtaa ama ha dhoofayo ama ha soo degayee. markaa dal ahaanna Somaliland si toos ah ayay uga hor tagtaa dalkeenuna waa dal ka fayaw kooxaha noocaas ah,”ayuu yidhi Maamulaha Madaarka Cigaal International.

 

Maamulaha madaarka waxaa kale oo aanu weydiinay sida ay uga hortageen in cudurka EBOLA uu dalka ka soo galo dhanka Madaarka Hargeysa,waxaanu ku jawaabay.“Horta dalalka aynu sida tooska ah isugu socdaalo dhanka diyaaradaha xanuunkani kama jiro,laakiin   haddana iyadoo sidaas ah ayaanu madaarka Cigaal waxaanu xarun ka siinay wasaaradda caafimaadka taasoo ay joogaan saraakiil caafimaad oo u tababaran in ay baadhaan isla markaana ogaadaan dadka qaba cudurada faafa oo uu ka mid yahay EBOLA.hawshaasina si wanaagsan ayay u socotaa.”

Ugu dambayn, waxaanu maamulaha madaarka weydiinay asbaabaha kalifa in xisbiyadda mucaaridka ahi ay ka cowdaan madaarka Hargeysa oo ay ku eedeeyaan in maamulka madaarku iska hortaago, waxaanu arrintaasi kaga jawaab celiyay  “ Mucaarid aanu madaarka u diidnay ma jirto laakiin waxaanu ugu taag la’nahay walaalayaal sharciga nala ilaaliya oo aan u wada hoggaansanno,iyagoo aan waxba nasoo ogaysiin annaguna aanan la socon cidda u soo degaysa ee ay soo dhaweynayaan ayay madaarka soo galiyaan basas dumar iyo caruur sida oo ay yidhaahdaan gudaha u sii daaya,taasina kuma jirto nidaamka madaarka,oo haddii cid walba loo sii daynayo ammaan noqon maayo, madaar qaranna noqon maayo,waana halkii qaranka laga arkayay nabad gelyadiisa,waxaanan xisbiyada in badan ku war galinay in marka cid ay soo dhawaynayaan u soo degayso in ay maalin ka hor na soo gaadhsiiyaan qoraal ay nagu soo ogaysiinayaan cidda u soo degaysa imikana waan ku celinayaa  annagu waxaanu uga baahanay oo kaliya in ay noo soo gudbiyaan xisbiyadu nmucaarid iyo muxaafidba  cidda u soo degaysa tirada soo dhaweyanysa, gaadiidka ay doonayaan in aanu gudaha ugu sii dayno, lambaradooda,markay intaa sameeyaan haddii aanu wax ku diidno markaa hanaga cawdaan laakiin imika dee meeshu garoonkii kubada maaha ee waa madaarkii caasimada dalka basas dumar iyo caruur sidana in loo sii daayaa suuragal maaha.”

 

 

Leave a Reply