Mandheera oo ay ka Qaxayaan Dadka aan ahayn Soomaalida daag

0
428

Boqolaal dad ah oo ka shaqaynayay magaalada Mandhera ee dalka Kenya ayaa qaxaya, waxaanay gabboodsadeen  garoonka ciidammada cirka ee Kenya, kaddib markii  agagaarka magaaladaasi lagu weeraray bas laguna dilay 28 qof sabtidii.
Inta badan dadkaasi dul degay garoonka waa dad aan Muslim ahayn. Kuwaas oo sheegay in ay ka cabsi qabaan in ay waxyeelo ka soo gaadho al-Shabaab.
Ururka ay ku midaysansan yihiin shaqaalaha Kenya ayaa ku baaqay in macalimiinta, iyo shaqaalaha caafimaadka ay isaga soo tagaan magaalada Mandhera iyo qaybaha kale ee waqooyi bari Kenya.
Dhamaan duulimaadyada iyo basaska Mandheera ka soo baxaya ayaa buuxa oo aan la hayn meel laga soo raaco.
Sabtidii Alshabaab ayaa weeraray bus, waxayna u kala sooceen rakaabkii Muslimiin iyo gaalo iyaga oo madaxa ka toogtay dadkii aan Muslimiinta ahayn.

Leave a Reply