Maraykanka: Dhakhtar Rooxaanta Looga Guuray

0
395

Magalaada Louisville ee dalka Maraykanka Dhakhtar lagu magacaabo Waverly Hills Santorum (Isbitaalka Waverly Hills) oo ka kooban shan dabaq , isla markaana ahaa dhakhtar camiran oo dad la ciirciiraya ayaa si lama filaan ah u joojiyay hawshaasi caafimaad ee uu waday.  Dhakhtarkan ayaa gebi ahaanba xidhan oo aan cidi gelin wakhtigan. Waxa kale oo yaab leh qol ku yaal dhakhtarkaasi oo sida la sheegay qofka gala aanu nabad kaga soo noqon waana qolka 502. Gabadh kalkaaliso caafimaad ah ayaa markii u horaysaya gashay, waxaana la arkay iyadoo dhimatay oo loo malayanyo inay is dishay lama se garanayo sababta ay isu dishay, waxaana sidaasi ku dhacday kuwo ka danbeeya ilaa qolka laga baqday.
Isbitaalkan ayaa la furay 1910, laakiin waxa dib loo balaadhiyay 1926 oo mar kale la furay  waana wakhtigaasi lagu dawayn jiray dadka qaba xanuunka TB.  Tirkoobyo la sameeyay ayaa la sheegay in dhakhtarkan ay  ku dhinteen 64000 qof, nus qarni  badhkii. Sanadkii 1961 ayaa marka kale dib u habayn lagu sameeyay, waxaana la furay 1962kii isagoo qaatay magaca Woodhaven Geriatrics Hospital.
Ilaa wkhtigaasi bukaanada si wayn ayay  ugu dhimanayeen,  dadka ayaa iyana aamisnanaa in lagu sameeyo tijaabooyin qarsoon oo ay taasi sabab u tahay dhimashada bukaanada. Dadka ayaa aaminsan inuu yahay Dhakhtarkani mid ay Jimanka iyo shayaadiintu leeyihiin oo ay adag tahay in lagu caafimaado. Waxaana warbxin lagu sheegay in dad aad u yari ay ka soo nabad noqdaan dhakhtarkaasi.  Dhakhtarka ayaa la xidhay 1981 markii ay soo baxday inuu yahay mid lagu dhibaateeyo laguna dhibo dadka bukaanka  halkii ay ka noqon lahayd mid lagu daweeyo. Ka db markii la xidhay ayaa mid ka mid dadkii lahaa uu codsaday  inuu dumiyo oo ka dhigo dhisme kale laakiin qaanuunka Maraykanka aya u diidan in la burburiy dhismayaasha qadiimiga.
Waxana sandkii 2001 iibsaday qoys  jecel meelaha taariikha ah ee lagu sheego dhacdooyinka yaabka leh.  Dadka aya ku sheekaysta in uu ka baxo iftiin faynuus habeenkii, isagoo wakhtigan laydh lahayn, lagana maqlo codad cabsi leh iyo humaagyo aan la fahmi karin.  Isbitaalkan ayaa caan noqday ka dib markii Tv  American paranormal reality television series uu ku soo bandhigay barnaamijka Ghost hunters (Ugaadhsiga rooxaanta) inuu ahaa gooba ay rooxaantu dadka ku layn jirtay , barnaamjikaasi oo uu sii daayay 06 October 2004. Wakhtigan ayaa Isbitaalkani yahay goob loo dalxiis tago.

Leave a Reply