Rabshado Hadheeyay dalka Maraykanka

0
418

Dareen cadho leh, ayaa ka dhashay go’aankii xeerbeegtida gobolka Missouri ee dalkla Maraykanka oo go’aamiyay in aan dacwad lagu soo oogin askarigii cadaanka ahaa ee dilay wiilka yar ee madawga ah.
Madaxa booliiska ee St Louis, Jon Belmar, ayaa sheegay in Ferguson ay ka dhaceen dibadbaxyadii ugu darnaa tan iyo markii wiilkaasi la dilay bishii August ee sanadkii hore.
Wuxuu sheegay in booliisku ay dibad-baxayaasha kala kulmeen rasaas badan.
Dukaamadii, ayaa la boobay gawaadhidii iyo dhismayaashiina dab ayaa la qabadsiiyay.
Dibad baxayaashu waxaa kale oo ay booliiska ku tuureen dhagxaan iyo quraarado.
Booliiska, ayaa xidhay ugu yaraan 29 qof, iyagoo adeegsanaya gawaadhi qafilan, waxayna dadka ku ridayeen sunta dadka ka ilmaysiisa.
 

Leave a Reply