Saliida Kalluunku Maxa ay Dheer Tahay Cuntooyinka Timaha Wanaajiya

0
373

Haddii aad doonayso timo jiridoodu adag tahay, aadna u ifaaya, waxa aad cuntada ku cunta amma aad isticmaasha saliida kalluunka laga miiro, gaar ahaan noocyada la yidhaa Salmon, Trout iyo Sardines, sidoo kale saliida kalluunka waxa ku jira Omega-3 Fattey Acid, taasoo muhiim u ah caafimaadka maqaarka, qofkana ka dhigta mid aad u ifaaya.
Macdanta Ironta ayaa sidoo kale saliidan ku jirta, waxaana ka hortagta in timuhu qofka daaataan, waxa kale oo ku jira saliidanb booratiin aad muhiim ugu ah koriinka iyo dhumucda timaha qofka.
Kalluunada kala duwan ee badda laga helo waxay aad ugu fiican yihiin nafaqada timaha, waxaana ku jira macdanaha ay ka mid yihiin Selenium, Iron iyo booratiin, sidoo kale kalluunku waa il ka mid ah ilaha laga helo Faytamiin B12, kaasoo ah nafaqo aad muhiim ugu ah timaha koriinkooda oo badana aan dadku si fudud ku helin.
 

Leave a Reply