Xeerka Kala Xadaynta Ganacsiga oo Loo Gudbiyay Golaha Wasiirrada Somaliland

0
1482

By: Khadar M. Dhako.

Hargeysa  (Dawan)  Wasaaradda Ganacsiga iyo maal-gashiga Somaliland ayaa sheegtay inay Golaha Wasiirrada u gudbisay Xeerka kala xadaynta Ganacsiga.

 Wasiir ku xigeenka  Wasaaradda Ganacsiga iyo maal-gashiga Bashiir Cabdi Xariir oo Shalay Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in Xeerkani uu ku taxaluuqo sidii Ganacsatadda loo kala xadayn lahaa, waxaanu tilmaamay in Xeerkan ay ku jiraan qoddobadii  qabanayay cidii ka hor-timaada kala xadaynta Ganacsiga.

Xeerkan ayaa Ganacsatadda u kala saaraya shan qeybood oo kala duwan kuwaasi oo kala ah Ganacsadaha wax dhoofiya, Ganacsadaha wax soo dejiya, Ganacsadaha wax dhoofiya waxna soo dejiya, Ganacsadaha tafaariiqlaha ah iyo Ganacsadaha Jumladlaha ah.

 Wasiir ku xigeenka Ganacsiga oo arrimahaasi ka hadlayay waxa uu yidhi  “Waxaanu hor-gaynay Xeerkii kala xadaynta Ganacsiga Golaha Wasiiradda, kaas oo ku saabsan sidii Ganacsatadda loo kala xadayn lahaa. Ninkii Xeerkaa  kala xadaynta diidana Sharcigii qabanayay wuu ku jiraa”

 Wasiir ku xigeenku waxa kale oo uu tilmaamay in Wasaarad ahaan ay sameeyeen Sharcigii qabanayay Maal-gashiga caalamiga ah iyo Muwaadiniinta, waxaanu yidhi  “ Sharcigii Maal-gashiga waanu samaynay iyo kii Muwaadiniinta-ba waanu samaynay, Sharcigii Liisamadda-na waanu samaynay iyo calaamada Ganacsiga ee ay Shirkad waliba yeelan-doonto oo hadda iyo jeer ay Ganacsataddu ku muranto iyaddana waanu samaynay”

Wasiir ku xigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir waxa kale oo uu sheegay in Todobaadkan ay dalka imanayaan Shirkad dhinaca Caymiska ah, Shirkadaas oo ka mid ah kuwii ka qayb-galay Shirkii Caalamiga ahaa ee lagaga hadlayay Maal-gashiga ee uu furay Madaxweynaha Somaliland, kaas oo ka qabsoomay Magaaladda London ee  Dalka Ingriiska.

Xeerkan ayaa la filayaa haddii uu dalka ka dhaqan gelo inuu dib u soo celiyo iska dabo-ceeshkiiTijaaradu lahaan jirtay, waxaana shaqo abuur ka helaya muwaadiniin badan,

Leave a Reply