Xukuumadda Somaliland Oo Ka Dayrisay Dhaqanka Xun Ee Kufsiga Haweenka Oo Gaadhay Heer Aad u Sarreeya

0
447

‘Somaliland Oo Laga Xusay Munaasibada Maalinta Tacadiyadda Loo Geysto Haweenka (November 25th – December 10th 2014)’

 

 

By. Axmed M. Saleebaan

                       

Hargeysa (Dawan)- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  Marwo Shukri Xariir Ismaaciil ayaa sheegtay in uu Somaliland aad ugu soo badanayo dhaqanka xun ee faro-xumaynta Haweenka (Kufsi), isla markaana lixdii bilood ee ugu horreeyay sannadkan uu gaadhay 142 kiis, taas oo muujinaysa xawliga uu ku socdo ficilkan xumi.

Marwo Shugri Xariir Ismaaciil waxa kale oo ay sheegtay in Dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu ka mid yahay wadamada uu ugu badan yahay ama ugu sarreeyo samaynta ficilka tacadigahaweenka ee dhaqanka gudniinka gabdhaha, kaas oo lagu qiyaaso inuu heerkiisu ka sarreeyo 90%.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshaddu, waxa ay sidaasi ku sheegtay war-saxaafadeed ay ka soo saartay munaasibad loo sameeyay Xuska maalinta caalamiga ah tacadiyadda loo geysto haweenka oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, xuskaasi oo soconaya 25-ka bisha November  illaa 10-ka bisha  December ee sannadkan 2014.

War saxaafadeedkaasi ay soo saartay Marwo Shurgi Xariir Ismaaciil oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Dawan, isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan:-

“1.       Dastuurka Somaliland waxa uu damaanad qaadayaa xuquuqda iyo xorriyadaha muwaadiniinta Somaliland, hadaba xukuumada Somaliland iyad aoo ka duulaysa barnaamajkeeda iyo ilaalinta xuquuqda haweenka. 

Sanad walba wxaa la qaadaa wacyi-gelin 16 maalmood ah oo lagu xoojinayo dhawrista xuquuqda aadamaha gaar ahaan sidii loo joojin lahaa tacadiyadda ka dhanka ah haweenka.

2.       Dalkeena Somaliland wuxuu ka mid yahay wadamada u ugu sarreeyo sameynta tacadiga dhaqanka gudniinka gabdhaha ee aan waafaqsanayn shareecadda Islaamka waxaana lagu qiyaasa inuu ka sareeyo 90%.

3.       Dhinaca kale, haddii aynu u  dib u jaleecno sannadadii aynu soo dhaafnay ilaa maanta waxaad mooda in dhaqank xun ee  faro xumeynta gabdhaha iyo haweenku ay aad u soo kordhayso sida ku cad xog-ururintan oo aan ka helnay kaliya xarunta  Baahi koob ee Hargeysa iyo ururka haweenka ee WAAPO taasi oo tusaale u noqonaysa xawliga u ku socdo ficilkan xumi waana sida hooi sku qoran:

·         Sannadkii 2010 wuxuu gaadhay 105 kiis

·         Sannadkii 2011 wuxuu gaadhay 130 kiis

·         Sannadkii 2012 wuxuu gaadhay 195 kiis

·         Sannadkii 2013 wuxuu gaadhay 290 kiis

·         Sannadkan aynu ku jirno 2014, wuxuu gaadhay lixdii bilood ee u horeeyay 142 kiis iyadoo aad garan kartaan marka lagu daro lixda bilood   ka dambe in uu intaa iyo in ka badan gaadhi karo.

Sida haddaba ka muuqata shaxdan oo ku kooban Hargeysa oo keliya gaar ahaan waliba tiraddan oo ah inta la soo xidhiidhay labada xarumood oo la fili karo inay jiraan dad badan oo dhibaatadaas qarsaday iyo waliba tiradii ka dhacday gobolada iyo degmooyinka kale ee dalka, waxay inoo muujinaysa in loo baahan yahay daal badan oo lagu wajaho suulinta iyo wax ka qabashada arrintan kufsiga .

4.       Dhinaca waxbarashada oo fure u ah horumarinta arrimaha haweenka iyo ka hortagga tacadiyadda ka dhanka ah xuquuqda haweenka, waxaa lagama maarmaan ah in la kordhiyo tiradda iyo tayada waxbarashada gabdhaha iyo haweenka haddii ay tahay waxbarashada tooska ah iyo ta dadban. In kastoo mudadii ay dawladdani u hogaaminayay madaxweynaheena Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo la sameeyay horumar balaadhan oo dhinaca waxbarashada gabdhaha ah, hadana waxaa jira baahiyo badan oo la xidhiidha waxbarashada gabdhaha sidii loo fududeyn lahaa. Sidaa awgeed, iyadoo wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadda  gaar ahaan haweenka isla markaana garab siinaysa wasaaradda waxbarashada waxay ku baaqaysa in bulshadeenu u jeesato sidii kor loogu qaadi lahaa waxbarashada gabdhaha oo saldhig u ah kor u qaadida aqoonta bulshadeena.

5.       Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadu iyada oo la shaqaynaysa hay’adaha Qaramada Midobay, hay’adaha aan dawliga ahayn ee caalamiga ah iyo kuwa waaniga ahba, waxay dalka ka bilaabaysaa 16 maalmood oo wacyigelin ah oo ka bilaabmaysa 25 November ilaa 10 December 2014. Ololahan oo lagaga hadli doono dhibaatooyinka iyo cawaaqib xumada ka dhalan kara tacadiyada loo gaysto haweenka , aragtida shareecada islaamka eek u wajahan iyo sidii loo joojin lahaa.

6.       Tacadiyadda ka dhanka ah haweenka iyo dhalaanku waa mid xad-gudu b ku ah qawaaniinta dalka iyo xeerrka caalamiga ah, dalkeenuna waxa uu ka mid yahay dalalka aqoonsan,  tixgelinaaya ku dhaqankooda sidaa daraadeed waxaanu ku baaqaynaa haddii aanu nahay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadda anagoo wakiil ka ah Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Somaliland kana duulayna waajibaadka iyo xilka aanu qaranka u hayno waxaanu   ugu baaqaynaa bulshadda Somaliland inay si wada jira ah looga hawlgalo joojinta tacadiyada loo geysto haweenkeena oo ah mid waajib ah.” 

Leave a Reply