D/Hoose Ee Hargeysa Oo Digiin Kale U Dirtay Dadka Xoolaha ku Dhex Dhaqday Caasimadda

0
545

By: Yoonis M.Jaamac
Hargeysa(DAWAN) – Dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa ayaa bilawadday hawl-gal ay guddaha Magaaladda kaga ururinayso Xoolaha dhex-daaqa, waxaanay sidoo kale Dooxa Hargeysa ka fulisay Olole Nadaafadeedd.
 
 
Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Hargeysa ahna Duqa Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO) iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka oo qayb ka ahaa Ololahan Ujeeddadiisu tahay Bilicdda iyo Magaalaynta Caasimadda oo Warbaahinta Shalay la hadlay,  ayaa Dadka iska leh Xoolaha dhex-daaqa Magaaladda dhexdeedda uga baaqay in ay geystaan Goobo ay ku dhaqadaan.
 
 
Duqa Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO)  ayaa Shacabka ku dhaqan Magaaladda Hargeysa ugu baaqay ilaalinta Nadaafadda Caasimadda, waxaanu yidhi   “Waxaanu Maanta (Shalay) bilawnay hawl-gal balaadhan oo aanu Dooxa Hargeysa ku Nadiifinayno kuna balaadhinayno, maadaama oo Daadkii keenay dhibaato badan iyo in Dooxii Kolba dhinac u leexdo. Waxaanu lee nahay Dadweynaha ka daaya Dooxa Qashinka oo Gawaadhida saara Khidmada yar ee Baabuurta-na iska bixiya. Hawl-galkan oo saddex Cisho soconaya, waxaa lagu banaynayaa Dooxa dhamaantii, iyada oo laga banaynayo Dhirtii ay Tuugtu geli-jirtay iyo Qashinka  oo laga nadiifinayo”  ayuu yidhi Duqa Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan SOLTELCO .
 
 
Xildhibaan Saleebaan Daahir Cabdilaahi  (Dogox)  oo ka mid ah Golaha Deegaanka Hargeysa ayaa sheegay in cid kasta oo  Xoolahoodu ay daaqayaan Magaaladda dhexdeedda ay Sharciga ku qaadi-doonaan, waxaanu yidhi  “Haddii Qofku uu Lexe-jeclo ka qabo Xoolihiisa, waa in uu  meel uu ku haysto oo ku dhaqdo  u samaysto ama uu Magaalada ka saaro. Hadda tahay Adhi , L’o iyo Geel-ba waa ayaan daro in Caasimada  Geel iyo Dameero ay dhex- daaqaan wixii Caasimada wax u dhimaya-na, sidaas darteed Qofkii Dacwad ka qabaa anaga ayuu noo iman ee  Maxakamaddaha ha ka Dacwoodo”  ayuu yidhi  Xildhibaan Dogox.
 
 
Dawladda hoose  Hargeysa ayaa hore Xoolaha Magaalada Hargeysa lagu dhaqdo uga ururisay, isla-markaana u samaysay Goobo lagu xareeyo, iyadda oo marar kala duwana  u qashay Ciidanka,  balse dedaalkaasi ma noqon mid joogto ah.
 
 
 
 

Leave a Reply