Kulan Lagu Darsayo Sidii Loo Horumarin Lahaa Adeegga Biyaha Ee Dalka Oo Ka Furmay Hargeysa

0
405

By: Cabdi Safwaan
Hargeysa, (Dawan)- Wasiirka wasaaradda khayraadka biyaha ee Somaliland  Xuseen Axmed Cabdule ayaa furay kulan lagu darsayo  horumarinta adeegga biyaha dalka.
Kulankan oo socon-doona muddo laba maalmood ah oo shalay ka furmay magaalaada Hargeysa waxa ka qayb-galay maareeyeyaasha wakaaladdaha biyaha ee gobollada Somaliland, Isu-duweyaasha wasaaradda biyaha iyo shirkaddaha soo-saara Biyaha ee dalka ka hawl-gala.
Wasiirka wasaaradda khayraadka biyaha Xuseen Axmed Cabdulle oo ugu horeyn kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ujeedaddiisu tahay sidii la iskugu weydaarsan lahaa fikradaha lagu horumarinayo wasaaradda khayraadka biyaha iyo sidii la iskula eegi-lahaa waxyaabaha wasaarad ahaan u qabsoomay, waxaanu yidhi, “Shirkan waxa ka soo qayb-galay dhamaan bahddii biyaha ka shaqaynaysay, wasaaraddii oo aan ciddi ka maqnayn, isu-duweyaashii gobollada oo dhamaantood wadda-jooga iyo maareeyeyaashii wakaaladdaha biyaha oo jooga. Shirkan oo ah kii u horeeyay ee la iskugu yimaado, waxaanu soconayaa laba maalmood, waxa la inaga doonayaa dhamaanteen inaga oo isku dhan waxay dadku inaga filayaan, iyo waxaynu dadka u sheegayno, waxaynu rabnaa in labadaas maalmood uu si cad u soo baxo. Waa Barnaamij weyn, waa Barnaamij in badan la inaga sugayay wasaarad ahaana maanta (shalay) waxaynu iskugu nimi inaynu muujino wax-qabadkeenii iyo waxqabadka soo socda ee aynu ku tallo-jirno  haddii Alle inagu simo, intaasina waxay iman-doontaa marka uu shirku inoo furmo.”
Agaasimaha guud ee wasaaradda khayraadka biyaha Somaliland Cabdirisaaq Jaamac Nuur oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inay isla eegi-doonaan wasaarad ahaan mustaqabalka dhaw iyo ka fog waxyaabaha ay hiigsanayaan, isla markaana ay samayn doonaan sidii loo darsi-lahaa baahiyaha biyaha ee ka jira dhammaanba gobollada dalka iyo sidii loo horumarin lahaa.

Leave a Reply