Muwaadin Qurbo Joog Ah Oo Raashin Ugu Deeqay Xarunta Daryeelka Dadka Nugul Ee SAHAN

0
427

By. Axmed M. Saleebaan

 

Hargeysa (Hargeysa): Muwaadin qurbo joog   ah  oo degen magaalada London ee Xarunta dalka Ingiriiska,ayaa deeq raashin ah ugu deeqay dadka uu haleelay xanuunka dhimirku ee lagu xannaaneeyo Xarunta SAHAN ee magaalada Hargeysa.

Deeqda muwaadin Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud uu ugu deeqay dadka walaalihiis ah ee uu haleelay  xanuunka dhimirku oo uu ku soo hagaajiyay Sheekh Aadan XAAJI Maxamuud Xiiray(Aadan Siiro) oo dalka dibada kaga maqan ayuu sheeshuna ku soo hagaajiyay masuuliyiinta xarunta SAHAN deeqdaasoo dhamayd 1080 Dollar waxaa loo bedelay raashin loogu soo iibiyay dadka loogu deeqay ee ku jira Xarunta SAHAN.

Deeqdan oo isugu jirta 20 Kiish oo Bariis ah iyo 15 Kiish oo Daqiiq ah, ayaa waxa ku soo deeqay Muwaadin Magaciisu yahay Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud oo deggan Magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska.

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud, ayaa deeqdan oo ahayd lacag dhan $ 1080 dollar isla-markaana lagu soo iibiyey Raashinkaasi,  waxa uu ku soo hagaajiyey Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aaden Siiro) oo dalka dibaddiisa ku maqan.

Lacagtan oo uu Sheekh Aaden Siiro uu si toos ah ugu soo diray Masuuliyiinta Xarunta SAHAN ee Magaalada Hargeysa, laguna soo beddelay Raashin isugu jira Daqiiq iyo Bariis faro badan, ayaa waxa saxaafadda u faahfaahiyey Guddoomiyaha xarunta xannaaneynta dadka qaba xanuunnada dhimirka ee SAHAN, Bashiir Maxamed Jaamac, waxaanu sheegay in raashinkan ay ku soo iibiyeen lacagta deeqda ah ee uu soo diray Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud taasoo uu sheegay in ay wax badan ka tari doonto baahida dadka halkaasi lagu hayo ee u baahan in wax la taro loona helo raashin ku filan , maadaama oo aanay meelo kale waxba ka helin, hasa-yeeshee ay ku nool yihiin hadba wixii dadka Muxsiniinta ahi ku soo sadaqadeystaan.

Bashiir oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaanu u mahad-celinaynaa Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud oo na soo gaadhsiiyey deeqdan oo ahayd lacag dhan $ 1080 doollar, oo aanu ku soo iibinay Raashin isugu jira daqiiq iyo bariis, waxayna waxtar weyn u tahay dadka lagu hayo xaruntan SAHAN, oo aan ka maarmi Karin caawimada iyo taakuleynta dadka”

Bashiir Maxamed Jaamac, oo sii hadlaya ayaa sheegay in muwaadinka lacagtan ka soo diray Ingiriisku uu ku soo hagaajiyey Sheekh Aaden Siiro

“Cabdiraxmaan waxa uu deeqdan ka soo diray Ingiriiska, waxaanu ku soo hagaajiyey Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro) oo uu wakiil uga soo dhigay, sidaa daraadeed Deeqdaasi way na soo gaadhey, aad iyo aadna waanu kaaga Mahad-celinaynaa” ayuu yidhi, Bashiir oo intaasi ku daray “ILAAHAY baanu ku mahadinaynaa, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud-na waxaan leeyahay ILAAHAY miisaanka xasanaadka ha kuugu daro. Waxa kale oo aan aad ugu mahad celinayaa Sheekh Aaden Siiro oo lagu soo hagaajiyey deeqdan isagoo dalka ka maqan, isagana waxaan ILAAHAY uga baryayaa inuu caafimaad taam ah siiyo, oo isku xidhka iyo waxyaabaha khayrka ah ee uu ka shaqeynayo uu ugu beddelo caafimaad”

Guddoomiye Bashiir oo uu shirkiisa Jaraa’id ku wehelinayey Ibraahim Nuur Ducaale oo ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa taakuleynta dadka ku jira Xarunta SAHAN, ayaa waxa kale dadweynaha u soo jeediyay inay ka qayb-qaataan taakuleynta dadka walaalahooda ah ee lagu hayo xarunta SAHAN “Deeqdani wax weyn ayay u tareysaa dadka halkan (SAHAN) lagu hayo, sidaa daraadeed waxaan leeyahay yaanay noqonin deeqdii ugu dambeysay” ayuu yidhi, Bashiir Maxamed Jaamac.

 

Leave a Reply