Tuug Hindi Ah Oo Xaday Baan Kadib Markay Qodeen God Dhererkiisu Yahay 38 meter

0
412

Tuug u dhalatay dalkaasi Hindiya ayaa xaday baan ,kadib markii ay qodeen god aad u dheer,waxaana lagu sheegay godkaasi inuu gaadhaayey dherer ahaan ilaa 38m,taas oo fududaysay inay halkaasi soo gaadhaan.
Sida lagu sheegay website-ka lagu magcaabo New York Daily News waxay u dhaceen tuugtani baankan ,habka loo metelay filimka caanka ah ee lagu magcaabo  Dhom,kaas oo uu metelay aktarka reer Hindiya ee Aamir Khan,kaas oo intiisa badan lagu dhacaayo Dahab iyo lacag.
Waxaanay ku guulaysteen inay xadaan tuugtani khasnado u dhexeeya 86 ilaa 360 khasnadood,kuwaas oo ay ku jireen dahab iyo alaabooyin kala duwan,waxaanay intuba ahaayeen kuwo yaaley baankaasi.
Ciidamada amaanka ayaa helay godad dhaadher oo ay kasoo galeen baankaasi,kuwaas oo fududeeyey inay xadaan lacag dhan 60,000 oo Rubiga Hindiya ah una dhiganta 977 oo dollar,kuwaas oo ay ku qaateen iyagoo naqad ah.
Waxaanay ciidamadu sheegeen inay qabteen saddex qof oo loo tuhmay falkan inay ku lug lahaayeen,kuwaas oo ka shaqaynaayey muddo dhan 25 ilaa 30 sanno baankaasi ,iyada oo la raadinaayo kuwo kale oo la tuhun san yahay inay kula jireen falkan.
Ciidamada Booliska ayaa sheegay in habkan loo xaday baanku yahay mid aad u adag,isaga oo shabaha film-kaasi,waxaanu ka dhacay falkani magaalada lagu magcaabo Bunjaab oo ku taalada Waqooyiga Juhaana.

Leave a Reply