Wiil shaabaha asnaamta ay reer Hindiya caabudaan oo dalkaasi ku dhashay

0
420

Waxa mid kamid ah magaalooyinka dalkaasi Hindiya ku dhashay wiil yar oo leh lugood iyo 4 garab,taas oo ay dadka degaankaasi sheegeen inuu shaabaho mid ka mid ah waxyaalaha ay caabudaan dadkaasi reer Hindiya.
Warkan ayaa lagu baahiyey bar internet-ka ah oo lagu magcaabo Indian Today,taas oo warkaasi iyo sawiraddaba baahisey,waxaanay arrintani ka dhacday magaalo lagu magcaabo Baraobor oo ku taalada Barriga dalkaasi Hindiya,waxaana kusoo ururay cisbitaalka uu wiilkaasi ku dhashay dad badan ,taas oo keentay inay ciidamada Boolisku kala kexeeyaan,iyada oo ay dadkaasi sheegayeen inuu wiilkaasi yahay mid shaabaha Ilaahooda.
Mid kamid ah kalkaalisooyinka cisbitaalkaasi ayaa sheegtay in wiilkan yari yahay mid leh waxyaalo dheeraad ah ,gaar ahaana lugo iyo garbo dheeraad ah,kuwaas oo ah kuwo uu aad uga shabaho sanamkaasi,taas oo keentay in dadka goobtaasi laga dareeriyo.
Waxaana jira dad badan oo halkaasi ku sugnaa ,kuwaas oo ooyaayey,sidoo kalena ku tukanaayey wadooyinka magaaladaasi,gaar ahaana meelaha dhakhtarkaasi ku sugnaa,iyada oo kuwo kalena ay sheegayeen in tani tahay mid muujinaysa inuu soo dhowaadey dhamaadkii caalamku.
Dadka reer Hindiya ayaa ah kuwo aad u tiro badan,kuwaas oo tiradoodu gaadho 1.21 milyaar,waana mid kamid ah wadamada ugu dadka badan,sidoo kalena ugu diimaha badan caalamka,iyada oo laga helo qoomiyado aad u tiro badan ,kuwaas oo haysta diimo kala duwan,halka laga helo kuwo aan haysan wax diin ahba.
 

Leave a Reply