Walaalo Ingiriis ah oo loo Xukumay in ay u ku soo Qaateen Siiriya Tababaro Argagixiso

0
348

Laba walaalo ah ayaa noqday shaqsiyaadkii ugu horeeyay ee Ingiriis ah ee xukun loogu qaado in ay tababaro argagixiso ku soo qaateen kaam ku yaal Suuriya.
Mohommod Nawaz, 30jir iyo Hamza Nawaz oo ah  24 jir oo labaduba ka tegay , Stratford, east London,  ayaa lagu xukumay afar sano iyo badh iyo saddex sano oo xadhig ah sida ay u kala horeeyaan magacyadoodu.
Waxa ay qirteen in ay galeen shirqool oo ay ku soo qaateen taababar argagixiso kaam ku yaal Siiriya sannadkii  2013.
Xaakinka ayaa sheegay in ay raggan ujeedadoodu  ku jihaysnayd rajiimka Siiriya oo aanay ahayn  inay weerar ka fuliyaan Ingiriiska, islamrkaana aanay caddeyn inuu midkoodna ka qayb qaatay wax dagaal ah.
Xaakin  Christopher Moss QC waxa uu intaa ku daray in ay ka caddaatay moobiladooda in ay labadub tageen kaamka Suuriya ee loo isticmaal tababarada argagixisada.
 

Leave a Reply