Uhuru Keenyaata oo Difaacay Eeedaymaha loo jeedinayo

0
424

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaaladda amni xumada ee Kenya ka taagan iyo weerarkii ugu dambeeyay ee 28-ka qof ay ku dhinteen ee ka dhacay Mandera. Sidoo kale.
 
Uhuru Kenyatta Madaxweynaha Kenya oo Salaasadii  ka soo noqday safar uu ku maqnaa ayaa meesha ka saaray dhammaan eedaha dowladda loo jeedinayo ee ku saabsan sida ay u maareysay arrimaha amniga.
Waxaa kaloo uu sheegay in ciidamo ku filan dalka aysan suurta gal ahayn in la helo, amniga ay masuuliyad ka saran tahay qof kastaa. Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ka jawaabay sidoo kale, dalabka dibadbaxyadii ahaa inay booliska Kenya ay ku guuldareysteen sugidda amniga  Kenya.
Uhuru Kenyata waxuu yidhi “Ma la heli doono ciidamo ku filan oo ilaaliya qof kastaa. Masuuliyadda ilaalinta waxay saran tahay adiga iyo aniga. Masuuliyadda ka hortagidda weerarada waxay saran tahay adiga iyo aniga. Hadaba xittaa hadaan xoojino amnigeena, xittaa haddii aan aragno inay habacsanaan jirto, xittaa haddii aan soo bandhigtay habacsanaantaasi, waa inaan ogaanaa. Is casilaadda boqolkiiba-boqol maahan mid bad qab ah, illaa aan ka aqbaleyno masuuliyadda amnigeena naga saran.”

Leave a Reply