Wasaaradda Ganacsiga oo Sool ka Bilowday Bixinta Liisamada Tijaaradda iyo kala Xadayntooda

0
372

By. Axmed M. Saleebaan

 

Laascaanood (Dawan)- Isuduwaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga Somaliland ee Gobolka Sool Mudane Cismaan Saleebaan Bootaan (Faro Tiriye) ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay goboka Sool ka Bilaabayaan  hawl gal ku wajahan bixinta Liisamada Ganacsiga iyo kala Xadayntooda.

Mudane Cismaan Saleebaan Bootaan oo shalay warbaahinta ugu waramay xafiiskiisa Magaalada Laascaanood ayaa ugu baaqay Ganacsatada Gobolkaasi inay u diyaar garoobaan qaadashada liisanada Ganacsiga iyo kala xadaynta baayacmushtarka oo bilaabmi doona dhowaan, waxana uu ugu baaqay inay Xukuumadda kala qayb qaataan mashaariicda horumarineed ee ay Gobolka ka waddo.

Isuduwaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga Somaliland ee Gobolka Sool isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada gobolka Sool in ay u diyaar garoobaan qaadashada Liisankii iyo diwaangelintii wasaaradda ganacsiga gobolka Sool, bisha January haddii la gaadhana diwaan gelintii la bilaabi doono, ciddii inta ka horraysa u diyaarsanina ay xafiiska iman karaan loona fududayn doono.”

Mudane Cismaan Saleebaan Bootaan (Faro-tiriye) waxa kale oo uu intaa raaciyay “Bisha January haddii la gaadho waxaanu u sheegaynaa ganacsatada gobolka Sool noocyadooda kala duwan, in ay u diyaar garoobaan diwaan-gelinta iyo qaadashada liisannada ganacsi, wakhtigana ay ilaaliyaan.”

Isuduwaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga Somaliland ee Gobolka Sool Mudane Cismaan Saleebaan Bootaan (Faro Tiriye), waxa uu sheegay in ganacsatada gobolka Sool ay muddo siddeed sannadood ah ka duwanaayeen ganacsatada kale ee dalka, isla markaaana si gaar ah loo xanaanayn jiray, balse ay maanta ka baxeen xaaladaas, waxaanu yidhi “Ganacsatada gobolka Sool ama Laascaanood waxa ay ku dacwoodaan xaalad gaar ah ayaanu ku jirnaa. Xaalad aad ku jirtaan ma jirto, way dhaaftay wakhtigii la idin xannaanaynayay, muddo siddeed sanno ah ayaydaan la mid ahayn ganacsatada kale ee dalka.”

“Waad ogtihiin in aanu baadhitaano samaynay oo aanu helnay dawooyin, sharaabo iyo raashin dhacay, arrintaasi dhibaatada ugu wayn ayay dadka iyo dalkaba ku haysaa, waynu ognahay xanuuno aynaan aqoon oo aan tagayn in ay dadkii ku dhacayaaan, arrintaas waxaa keena waa badeecadda dhacday ee dadka laga iibinayo.”  ayuu yidhi Isuduwaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga Somaliland ee Gobolka Sool Mudane Cismaan Saleebaan Bootaan (Faro Tiriye), waxaanu intaa ku daray “Ganacsatada waxaan ka codanayaa in ay arrintaas nagala shaqeeyaan oo wixii dawo ah, ama raashin ah ama sharaab ah ee dhacay ay uga tudhaan shacabkooda oo ay keenaan goobaha aanu u diyaarinay si loogu gubo.”

Leave a Reply