Xisbiga WADDANI Oo Soo Saaray Khariirad Qabyaaladeysan Oo Lagu Muujiyay In Beel Kaliya Uu Ku Gaadhi Karo Kursiga Madaxtinimadda Dalka

0
443

Balan-qaadkii Labaad Ee Guddoomiye Cirro Uu Oodweyne Ugu Sameeyay Ardaagiisa Haddii uu Guulaysto
Jaantuska  Waxa Lagu Kala Fadilay Beelaha Oo Qaarna Taash La Saaray Kuwo kalena  la Taseeyay
 
Hargeysa (DAWAN)-Xisbiga WADDANI ayaa sameeyay  jaan-tus ay ku muujiyeen khariirad  qabyaaladeed oo ay  alifeen oo tusmaynaysa In Beesha Guddoomiye Cirro ay tahay  ardaaga   deegaan ahaan ugu balaadhan  Goboladda Somaliland, taasina ay u horseedayso inuu si fudud ugu guulaysto doorashadda madaxtooyadda ee lagu wado inay dalka ka dhacdo badhtamaha sannadka fooda innagu soo haya ee 2015-ka.
Khariiradaas WADDANI sameeyay oo lagu faafiyay mareegaha ku xidhan ee taageera xisbigaasi oo ay ugu horayso shabakadda la yidhaahdo medeshivalley.com, waxa lagu soo bandhigay jaan-tuska khariirad beello loogu kala qoqobay laguna kala fadilay  shacbiga Somaliland, waxaana laga dhigay in beesha galbeedka Burco ee Guddoomiyaha WADDANI tahay beesha ugu deegaan- balaadhan dalka oo dhan, isla markaana aanu xiligan wax wer-wer ah ka qabin inuu ku guulaysanayo doorashada madaxtinimadda,  isagoo aan u baahnayn beelaha kale  ee wadanka degan, khariiradaasi waxa lagu xardhay midibka liimiga ah (Orang) ee xisniga WADDANI oo si gaar ah loogu calaamadiyay  Beesha Guddoomiyuhu ka soo jeedo.
 
Shaxdan waxa lagu xaqiray beelaha kale ee Somaliland oo  laga dhigay qaar aad uga deegaamo yar beesha galbeedka Burco, iyadoo beelaha qaarkood lagu calaamadiyay kaliya bar-madow,halka kuwo kale aad loogu soo koobay juquraafi ahaan deegaanka uu ALLE ku uumay.  khariirad beeleedka WADDANI waxay sii xoojinaysaa shakigii iyo walaaca shacbi badani ka qabaan xisbiga WADDANI oo ku suntamay xisbi beeleed, taasina ay nusqaan ku tahay gedi-socodka dimuqraadiyadda iyo waajibaadkii iyo himiladii loo sameeyay axsaabta qaranka oo ahayd inaynu iska-rogno heeryadda qabaliga ah ee lagaga soo dhaqmi jiray wadankeenna mudada dheer.
khariiradan oo ay ku faro yaraysteen koox xirfadda IT-ga u qaabilsan WADDANI, waxa loogu tallo-galay in lagu  majaro habaabiyo qurbo-jooga Somaliland, iyadoo qasdigu yahay in shax lagu soo bandhigo beelaha uu WADDANI codka ka doonayo oo lagu sheegay inay tahay beesha galbeedka Burco iyo beelaha kale oo lagu tilaamay  wixii ka soo raaca, hase yeeshee waxa jaantuskan loogu tallo-galay jn dhaqaale lagaga soo gurto qurbo-jooga dibadda ee taabacsan WADDANI.
 
Dhacdadan oo lagu baahiyay tobaneeyo ka mid ah shabakadaha inter-net-ka ee WADDANI afkooda ku hadla ayaa  noqotay fadeexad hor leh oo xisbiga WADDANI la soo daristay, xili uu olole ugu jiray inuu iska maydho  eedaymaha qoysnimo ee lagu xidhiidhiyo.
 
Sidoo kale waxa ilo war-galeen ahi u xaqiijiyeen wargeyska  DAWAN, in Guddoomiye Cirro markii uu dhawaan socdaalka ku tagay gobolada Togdheer iyo Oodweyne, uu waxgaradka iyo dhalinyarrada reer Oodweyne u balan-qaaday in haddii ay xisbigiisu ku guulaysto doorashadda inuu  sannadka koowaadba uu gobolka DAAD-MADHEEDH  ka dhigo doono gobol horumarsan oo istaraataji ah, iyadoo uu xusay inuu samayn doono saddex waddo oo isku xidha Burco iyo Oodweyne, Hargeysa Iyo Oodweyne iyo Berbera iyo Oodweyne. Iyadoo ay hore u jirtay inuu mid ka mid ah ardaayada beeshiisa oo uu dhawaan kula kulmay waxgaradkooda Magaaladda Hargeysa uu iyana u balan-qaaday inuu siin doono saamiga beeli ay dawlad ka hesho ka ugu weyn.
SL_clan_map
 

Leave a Reply