Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Burco U Tegay Qiimaynta Tis-qaadka Mashruuca Maamul Daadejinta Dawladaha Hoose

0
402

By: Yoonis M. Jaamac
Burco (Dawan): Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. C/raxmaan Cabdilaahi  Ismaaciil (Saylici),  ayaa shalay galab  gaadhay magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer, iyadoo halkaasi  si diiran loogu soo dhaweeyay magaaladda.
 
Madaxweyne ku xigeenka waxa duleedka Burco ku soo dhaweeyay badhasaabka Togdheer, Maayarka Burco, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Degmadda Burco iyo masuuliyiinta Laamaha Dawladda Togdheer.
Madaxweyne ku xigeenka   ayaa u mahadceliyay masuuliyiintii kala duwanayd  ee soo dhaweysay, waxaanu tilmaamay in socdaalkiisa Togdheer salka ku hayo xog-ogaal  u noqoshada sida ay magaaladda Burco  uga tisqaadeen mashruuca la xidhidha maamul daadajinta magaalaynta ee la yidhaahdo JPLG oo ay iska kaashanayaan Somaliland iyo Hay’adaha Qarammadda Midoobay.
Md. C/raxmaan Saylici waxa uu intaasi ku daray in mudada uu  joogo Burco uu xadhiga ka jari doono mashaariic horumarineed oo qayb ka ah barnaamijka JPLG-ga.
Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka  waxa uu  isla shalay sii maray magaaladda Berbera, isagoo soo kormeeray  meelaha laga wada mashaariicda gaar ahaan mashruuca JPLG ee horumarinta dawladaha hoose, iyadoo Berbera ay  ka mid tahay  degmooyinka uu ka socdo mashruucaasi.
 
 
 
C/raxmaan Saylici ayaa waxa kale oo uu ka hadlay shil baabuur oo khamiistii doraad ka dhacay  tuuladda dacar-budhuq oo ka tirsan gobolka Saaxil, shilkaasi oo uu hal qof ku dhintay dhawr kalena ay ku dhaawac meen, isagoo tacsi u diray eheladda iyo qaraabadda marxuumkii shilkaasi ku geeriyooday intii ku dhaawacantayna uu Eebe caafimaad siiyo.
 
Waxaanu yidhi “Waxaa  nagu dhacay shalay (doraad) shil lama filaan ah anagoo kolanyadii weftigayga meel fiican soomarayna Dacar-budhuq soogalayna ayaa baabuur halkan ka tegay uu 9-kii baabuur ee kolanyadda ahaa  kii badhtanka kaga jiray ku dhacay. Waxaan tacsi u diyrayaa wadihii gaadhigaas oo dhintay intii ku dhaacantayna waxaan Illaahay ugu rejaynayaa caafimaad.”
 

Leave a Reply