Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Xadhiga Ka Jaraya Xaruntii Ugu Balaadhnayd Ee Lagu Daryeelayo Agoomaha Oo Ay Ku Baxday 7-milyan Oo Dollar

0
391

Wefuud  balaadhan oo ka kala socday  dawladaha  Jabuuti iyo Kuwait oo shalay si diiran loogu soo dhaweeyay Hargaysa
 
By: Khadar Cabdi Muuse
Hargeysa (Dawan):  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md.  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xadhiga ka jaraya Dugsi balaadhan oo casri  ah oo iskugu jira  Jiif iyo waxbarasho kaasi oo laga hirgeliyay bariga caasimadda, isla markaana   ay maalgelisay Dawladda Kuwait.
Dugsigan casriga ah oo loogu tallo-galay in wax lagu baro,  laguna xanaaneeyo 600 oo wiil oo agoon ah, waxa ku baxday aduun lacageed oo lagu qadaray 7 milyan oo dollar, oo ay  dawladda Kuwait Somaliland ugu deeqday.
 
Sidoo kale Wufuud ka kala socota dawladaha Jabuuti  iyo Kuwait  ayaa shalay dalka soo gaadhay, kuwaasi oo u jeedadda socdaalkoodu yahay  in ay ka qaybgalaan munaasibadda uu madaxweynaha Somaliland xadhiga kaga jarayo xaruntaasi.
Wefti dhawr xubnood ka kooban oo ka socday dawladda Kuwait ayaa dalka u yimid inay ka qaybgalaan furitaanka  mashruucan balaadhan ee dawladoodu ka fulisay Somaliland.
Waxa kale oo madaxweyne Axmed Siilaanyo la filayaa in uu dhagax dhigi doono  mashruuc kaasi la mid ah   oo  isna  lagu daryeeli doono  hablaha agoonta ah.
 
Dhinaca kale Wefti balaadhan oo ka socda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu hogaaminayo Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta iyo Dhaqanka ee jabuuti  Md. Xasan Aadan Xasan (Beleloo), ayaa shalay soo gaadhay caasimadda dalka ee Hargaysa.
 
Weftigan ka socda Jabuuti  ayaa waxaa ka mid ah la taliyaha Madaxweynaha Jabuuti, la taliyaha wasiirka diinta iyo dhaqanka iyo  wakiilka ay dhawaan Jabuuti u soo magacawday Somaliland. Weftigaasi oo ka soo degay garoonka diyaaradaha magaaladda Hargeysa, waxaa  si diiran halkaasi ugu soo dhaweeyay  masuuliyiin ay ka mid ahaayeen wasiiradda arrimaha gudaha, diinta iyo awqaafta, xidhiidhka goleyaasha, agaasimaha guud ee warfaafinta, afhayeenka madaxweynaha iyo masuuliyiin kale.
Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta iyo dhaqanka ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay u jeeadadda socdaalka ay Somaliland ku yimaadeen, kaasi oo uu  sheegay in uu  la xidhiidha sidii ay uga qayb geli lahaayeen munaasibadda xadhiga lagaga jarayo xarunta daryeelka goomaha oo ay maalgalisay hay’adda Kuwait foundation oo laga hirgeliyay dhinaca barri ee  magaalada Hargeysa, taasi oo uu maanta madaxweyne Axmed Siilaanyo xadhiga ka jarri doon.
 
Wasiirka  ayaa uga mahadnaqay masuuliyiinta Somaliland sida  diiran ee ay u soo dhaweeyeen, taasi oo uu sheegay in ay muujinayso xidhiidhka, wanaagsan ee dhinacyadda badan ka dhexeeya labadda dal.
Waxana  uu yidhi “Waanu idinka mahadnaqaynaa sida wanaagsan ee walaaltinimadda ah ee aad noo dhawayseen, oo madaxdii Somaliland oo aad u tiro badan, taasina waxay  na dareensiinaysaa kal-gacalka iyo walaaltinimadda inoo dhaxaysa labadeena shacab iyo  labadeena dawladood. Marka hore waxay ahayd mid waajib ah in aad na soo casuuntaan, waxa kale oo iyadna waajib ahayd in aanu ka soo jawaabno casuumadda aad noo fidiseen. runtii madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Somaliland iyo guud ahaanba Soomaaliya ay meel weyn kaga taallo arrimaha  noocani ahna aad u dhiirigeliya ayaa markiiba waxa uu amar nagu siiyay in aanu idin kala soo qaybgalno fuirtaanka xarunta agoomaha, mida labaad mashruuca aynu furayno maalinta beri ah (maanta) Jabuuti ayuu hore uga hirgalay, wax weyna wuu ku  soo kordhiyay”.
 
Waxa kale oo wasiirku sharaxay  qaybaha uu ka kooban yahay xarunta daryeelka agoomaha iyo ahmiyadda uu mashruucaasi  u leeyahay  Somaliland.  “Nimanka reer Kuwait ee mashruucaasi wadana waxa ay la yimaadeen hab cusub oo ka duwan, hababkii hore ee ay  hay’adaha samofalku  wax u samayn jireen waxay la yimaadeen mashruuc horumarin ah, halka uu markii hore ka ahaa mashruuc samo-fal  oo keliya”. mashruucani waxa uu ku salaysan yahay waxbarashadda, in dadka wax la barro, caafimaadkooda la dhawro, oo farsamo iyo farshaxan la barro, cida uu ku tiirsan yahay marka aynu Jabuuti joogno  ee gacanta ku haysaa waa madaxweynaha dalka Jabuuti, sidaas darteedna waxaanu Somaliland ka codsanaynaa in ay dawladu taageero siiso, waana ta aynu isugu nimid ee aynu isku kaashanayno, waad mahadsan tihiin mar labaad soo dhawaynta diiran ee aad noo samayseen, waxaananu ku faraxsanahay in aanu la joogno dadkayagii iyo ehelkayagii”ayuu yidhi wasiirku.
Sidoo kale Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil C/laahi Axmed, oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa uga mahad naqay dawladda Jabuuti in ay ka aqbashay codsi ay kaga dalbadeen in ay kala soo qayb qalaan munaasibadda xadhiga lagaga jarayo xarunta daryeelka agoomaha ee ay hirgelisay hay’adda Kuwait Foundation.
 
 
Isagoo arrimahaasi  ka hadlayayna waxa uu yidhi“Waxaa farxad noo ah anaga oo masuuliyiintii  qaranka ah  in aanu halkan ku soo dhaweyno wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta iyo Dhaqanka ee dalka jabuuti oo hogaaminaya weftigan  ka kooban diblomaasiyiinta  iyo la taliyaha madaxweynaha, iyagoo runtii ka jawaabaya codsi dalab ahaa oo aanu ka dalbanay walaalahayo inay nagala qayb qaatan   mashruuca  tacliimiga weyn ee barri (maanta)  ka furmi doona magaaladda Hargeysa,  iyadoo aanu kala qayb qaadanay dhismihii Kuwait-diga ee laga dhisay dalka jabuuti  madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele oo runtii aan ugu mahad naqayo sida uu ugu heelan yahay arrimaha samo-falka oo  aan kaga dayanay.”
 
 
Sheekh Khaliil, ayaa sidoo kale waxa uu u mahad naqay hay’adda Kuwait Foundation ee maal gelisay dhismaha xarunta daryeelka agoomaha ee magaaladda Hargaysa. “Waxa kale oo aan u mahad naqayaa  hay’adda Kuwait Foundation   iyo shacabka reer kuwait  iyaga  oo gacan weyn ka geystay inay u sameeyaan walaalahooda reer Somaliland ee Agoonta ah  inay u sameeyaan hoy waxbarasho oo ah meel aad u qurux badan oo ay si weyn  ula dhicidoonaan weftiga reer Kuwait, taasi oo   la  furi doono bari. waxaanan leeyahay wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta iyo dhaqanka ee jamhuuriyadda jabuuti iyo waftigiisaba,  soo dhawaada sida la idiin soo dhaweynayo ee farxadu ku dheehan tahayn waa walaaltinimo dhab ah aad baananu idiinku mahad- naqeynaa” ayuu yidhi Sheekh Khaliil.
 
 
 
 
Wasiirka Arrimaha Cali Maxamed Waran Cadde, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay mashruuca khayriga ah ee ay hay’adda Kuwait foundation ka hirgelisay Somaliland kaasi oo uu tilmaamay in markii hore laga hirgeliyay dalka Jabuuti, ka dibna ay Jabuuti u soo gudbisay Somaliland.
 
Waxaanu tilmaamay Waran Cadde, in mashruucani daryeelka agoomaha uu  yahay mid baahi weyn loo qabay, isla markaana uu hada wax weyn ka tari doono daryeelka carruurta agoomaha eek u nool Somaliland.   Waxaanu yidhi “Waanu u mahadnaqaynaa madaxweynaha  Jabuuti iyo wsiirradda naga aqbalay  martiqaadkii aanu u fidinay si ay noola furaan mashruuca  aadka  u qiimaha leh oo markii hore Jabuuti laga sameeyay si weyna uga hirgalay dalka Jabuuti oo walaaluhu kheyrka wey isu gudbiyaane noo soo gudbiyay oo qaybtii labaad na laga furay magaaladda Hargeysa.  Hirgelinta xaruntani oo wax weyn  ka tari doona sidii loo daryeeli lahaa Agoomaha reer Somaliland,  wax weyna ku soo kordhiyay bilicda wadanka haddii uu is-bedel yahay iyo haddii uu iskuulka yahay-ba  waxaanan leeyahay soo dhawaada  waftigan qaaliga ah”.
 
 
 

Leave a Reply