Maraykanka: Dhaqamadda Iyo Caadooyinka Ciqaabka Noqday

0
388

Bishii November 18 sanadkii 1978 ayaa dalka Maraykanka waxa ka dhacday arrin dunida ka naxday.  Waxa mar keliya isku goob iyo isku wakhti isku dilay 912 qof oo ay 276 ka mid ahi ahaayeen caruurtii ay dhaleen. Dadkan is xasuuqay ayaa noqday isdilkii ugu weyn iyo dhimashadii ugu ballaadhnayd ee ka dhacad dalka Maraykanka maalin keliya, ka hor intii aanay dhicin qaraxii labada Daarod ee 2001-dii.
Dadkan is dilay ayaa markii hore sun siiyay caruurtoodi ka diban iyaga ayaa si jamaaci ah u cabay suntaasi iyagoo isugu shushubay,  si ay mar keliya u wada dhintaan.  Dadkan ayaa ka mid ahaa Koox uu asaasay Jeem Joson  sanadkii 1956 oo loo yaqaanay Macabadkii shacabka. Ninkan ayaa Taageerayaashiisa maalintaasi u gu khudbadeeyeey inay  is dilaan si ay uga nabad galaan sharka u soo socda oo ah in Dayuuradaha Maraykan iyo ciidankooduba ay baabiin doonaan iyagoo ka cadhaysan madahabta cusub  Ninkan ayaa aad u aaminsanaa shuuciyadda si weyn u dhaliili jiray nidaamka Hantigoosadka. Isla maalnitaasi ayuu isaga lagu dilay rasaas.
Sanadadii 60-70-kii ayay bulshooyinka caalaamku u baahdeen is bedel dhaqan dhaqaale , taasi ayuu ka faa’idaystay ninkan Jeem. Dadka u badan ee taageeray Madahabtiisan shaydaanka ah waxay ahaayeen Dhalinyaradii cadaanka ahayd iyo dabaqadii dhexe oo si weyn uga cadhaysnaa nidaamka Hantigoosadka ah ee keli noola iyo danaysiga ku dhisan.  Sanadkii 1965  isagoo ay la socdaan 100 taageraayaashiisa ah ayay tegeen Calforina halkaasi oo ay ka fureen xarun ay leeyihiin.

Iyadoo wakhtigan ay ka danbaysay 36 sano ayaanay weli ka bixin xusuusta Maraykan iyo caalamkaba dhacdadani. Tani ayaa Tusaale u ah marka dadku ay waayaan diin sax oo ku hagta wanaagga noloshiisa adduun iyo aakhriba inay noqonayaan kuwo ka liita xayawaanka, waayo xayawaanku dhashiisa iyo naftiisa midna si axmaqnimo ah uma dilo.

Leave a Reply