“U Jeedadda Safarkaygani waa Sidii Aanu Gogol Xaadh Ugu Sii Samayn Lahayn Wada Hadalladii Inoo Socday Soomaaliya”

0
393

By. Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan):  Wasiirka wasaaradda  Madaxtooyada Somaliland mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo shalay safar shaqo ugu boqoolay dalka Turkiga ayaa sheegay in socdaalkiisu daarran yahay shir gogol xaadh u ah wada hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya,  oo isaga iyo wasiirka arimaha dibadu kaga qayb geli doonaan halkaasi.
Wasiirka wasaaraddas Madaxtooyada Somaliland mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sheegay in ujeedada iyo ajandaha shirkani ay tahay sidii  Guddiyo ka kala socda Somaliland iyo Soomaaliya ay gogol xaadh ugu sii samayn lahayeen wada hadaladii labada dal oo dib u furmi doona isla markaana, lagu diyaarrin doono guddi horay loogu balan sanaa in la sameeyo “Secretariat Team”.
Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay Internetka oo uu arrintani kaga hadlayay, qoraalkaasi oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:-
“Waxaa saacado kooban laga joogaa kadib markaan ka soo duulay Gegada Diyaaraduhu ka haadaan ee Cigaal International Airport.
Safarkan oo Insha Allahu qaadan doona Maalmo Kooban ayaan ku tegi doonaa Dalka Turkiy-ga , halkaas oo uu igaga sii horeeyo Wasiirka Arrimaha Dibeda Jamhuuriyada Somaliland Mr. Maxamed Biixi Yoonis.
Ujeedada socdaalkan ayaa ah sidii Gudi ka socota Somaliland iyo kuwo ka socda dalka aanu jaarka nahay ee Somalia ay gogol xaadh ugu sii samayn lahayeen wada hadaladii Somaliland iyo dalka aanu jaarka nahay ee Somalia oo dib u furmi doona isla markaana waxaanu diyaarin doonaa gudidii horay loogu balan sanaa in la sameeyo “Secretariat Team”
Ma aha markii u  horaysay ee ay Somaliland ka qaybgasho madal ay caalamka ku barayso xaqiiqda ka jirta dalka Somaliland balse masuuliyiinta iyo shacabka reer Somaliland waxaa ka go’an in ay xaadiraan goob walba oo ay ku soo dhacsan karaan waxa ay caalamka xaqa uugu leeyihiin oo ah in ay helaan Ictiraaf Caalami ah.
Waxaan Aaminsanahay in safar walba oo aad u dheer uu hal talaabo ka bilaabmo, Safarka ay Somaliland ugu jirto xaqiijinta Himiladeeduna yahay mid guul ku dhaw.”
 
 

Leave a Reply