“Weligay Saldhig Boolis la iigama yeedhin, Saxaafaduna Ha Ilaaliso Masaalixda Dalka iyo Dhaqanka” Wasiir Cukuse

0
385

By: Siciid M. Askar
 
 
Hargeysa, (Dawan)- Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa ka hadlay natiijada kulan uu la yeeshay masuuliyiinta warbaahinta madaxa-banaan.
 
Wasiirka warfaafinta oo shalay socdaal ugu kicitimay dalka Jarmalka ayaa intii aanu madaarka Cigaal ee caasimadda Hargeysa ka dhoofin warbaahinta kula hadlay, isagoo sheegay in kulankaas ay wada yeesheen madaxda warbaahinta madaxa-banaan ay ujeedadiisu ahayd, isla markaana ay kaga wada-hadleen xeer dhawaan xukuumaddu dhaqan-gelisay oo saxaafadda aan dawliga ahayni ay sas ka muujisay.
 
 
Wasiirku wuxuu sheegay in xeerkaas ay dhaqan-geliyeen uu ahaa xeerkii hore ee saxaafaddu lahayd, isla markaana madaxweynuhu uu hore u dhaqan-geliyay, waxaanu xusay inay masuuliyiinta warbaahinta madaxa-banaan ay siiyeen xeerkaas, si ay usoo akhriyaan oo ay kasoo saaraan wixii aan ahayn xeerkii hore ee saxaafaddu lahayd
 
“Markii aanu soo saarnay xeerarkii saxaafadda ee jiray ee aanu dhaqan-gelinay qaylay ka toleen, laakiin waanu isu nimi masuuliyiintii saxaafadda maanaan uga jawaabin, laakiin waanu wada-hadalnay waxaanay arkeen wixii ay ka xanaaqeen inaanu ahayn wax cusub ee uu yahay sharcigii hore u jiray, waxaananu u dhiibnay xeerkii aanu saxeexnay laftiisii, way soo akhriyayaan, marka ay soo akhriyaan ee ay isu eegaan xeerkii 2004 ee anshaxa ee saxaafaddu ay gacanteeda ku qoratay iyo xeerkii No: 27 ee madaxweynuhu ansixiyay, wixii aan intaa ahayn ee aad ku aragtaan kasoo saara ayaanu ku nidhi, wixii intaas ahina waa wixii la isku ogaa wax muran galayo maaha. Saxaafadda waxaan markale ugu yeedhayaa nabadgelyada dalka iyo xidhiidhka wanaagsan ee dalalka kale inaga dhexeeya  labadaba aynu wada ilaalino, dhaqanka iyo diintana ilaaliya”.
 
“Had iyo jeer xeerarka waxaynu ugu baahanaa waa inbtaas, wax ka  baxsan maaha qof iska maag’a iyo iska maagid la’aanta iyo dookhiinana aynu dib u dhigano, had iyo jeer canaantayadu way idinku badan tahay, ammaantiinuna way igu badan doontaa marka ficilkaasi uu dhamaystirmo, laakiin sida aan doonayo saxaafaddaay waxa weeye, markii aanu joognay sidii aanu u dhaqmi jirnay, sidii nabadda ilaalinaysay, sidii dhaqanka ilaalinaysay, sidii ilaalinaysay xidhiidhka dalku dibadda la leeyahay iyo sidii ay dadka guduhu u wada noolaanayaan ka shaqaynaysay ee xeerarka iyo shuruucda ilaalinaysay.” ayuu yidhi wasiirka warfaafintu.
 
 
Sidoo kale waxa uu farriin dardaaran ah u diray warbaahinta madaxa-banaan, waxaanu yidhi, “Qaar baa igu yidhaahda Cabdilaahiyaw barigaa mucaaradaddaabad saxaafadda ku taageeri jirtoo ninka ugu qalin kulul baad ahayd, laakiin waxaan idiin sheegayaa aniga weligay saldhig boolis la iigama yeedhin, way iiga yeedhi lahayd dawladda aan ku kululahay haddii aan qalad galo, anniguna faan umaan arkayn in saldhig la iiga yeedho, idinkana sidaasaan idinkula dardaarmayaa.”
 

Leave a Reply