Guddidii Farsamo Ee Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Cayimay Xiliga ay Furmayaan Wada Hada-hadaladii labada Dal

0
443

Istanbul (Dawan): Somaliland iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiyay in wadahadaladii u socday labadda dhinac ay mar kale bisha January ee sanadka 2015 dib uga furmaan dalka Turkiga, ย Sidaasina waxa ย ย noo xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo xalay khadka telefoonka ugu waramay Dawan, isagoo ku sugan Istanbul.
 
Xubno ย ย ย guddi ย farsamo ah oo ย ย ย ย ย ka kala socday ย Somaliland iyo Soomaaliya ย oo maalmahanba ku sugnaa dalka Turkiga ย una ย sii gogol xaadhaya ย wada hadalada dambe ย ayaa shalay kulan ku yeeshay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. waxaanay labada dhinac kulankaasi ku heshiiyeen in aanu mar kale dibย  uga dhicin xiliga loo cayimay ย sii anba qaadka shirkaasi.
Maxamed waxa uu sheegay in ay isla qaateen in wada hadaladaasi ay dib u furmi doonaan badhtamahaย  bisha January ee sanadka soo socda, isla markaana uu ka dhici doono ย magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga.
waxa uu tilmaamay wasiirku ย in kulanka ay yeesheen weftiyada Somaliland ย iyo Soomaaliya oo ahaa mid kooban, u jeedadiisuna ay ahaydย  midย  loogu ย gogol xaadhayay in loo balamo wakhtiga iyo meesha uu ka qabsoomi doono shirka soo socda, isla markaana ay labada dhinac soo diyaarsadaan qolo walibaย  ajendaha ay shirka la imanayso.
 
waxaanu yidhi โ€œWaanu la kuanay xubnaha ka socday dhinaca Soomaaliya, laakiin kulanku waxa uu ahaa uun mid kooban, sida ku jirtay heshiiskii, waxay ahayd in 45 cishaba mar ay kulmaan gudidda farsamo ee labada dhinac, 3-dii biloodba marka la shirro, arrimahaasina way soo raagtay. Markaa waxaa loo balamay in aanu xubnahayaga labadda dhinac is-aragno, si aanu jaangoyno maalinta uu dhici doono shirka soo socda iyo meesha uu ka dhici doono ajandahana ay qolo waliba soo diyaarsato in hawlahaasi aanu isla qaadanoโ€.
Wasiirka oo ka hadlayay wakhtiga ay isla qaateen inuu dhaco shirka iyoย  halka uu ka dhacayoย  waxa uu yidhi โ€œWaxaanu isla qaadanay in uu shirku dhaco 15 ilaa 16 bisha January ee sanadka 2015-ka, isla markaana uu ka dhaco magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga, xubnaha ka socday Soomaaliya ee aanu kulanka yeelanay laba ayay ahaayeen anaguna laba ayaanu ahayn. Ajandaha iyo waxaasiย  waanu soo diyaarsan doonaa laakiin aasaasku wuxuu ย ahaa in aanu goโ€™aanka gaadhno maalinta uu shirku dhacayo iyo meesha lagu kulmayo, ajandahanaโ€.
 
 
Wasiirka mar la waydiiyay suโ€™aal ahayd in sababta soo dedejisay in shirkani la qabto mar kale, iyadoo uu dhawr jeer xilligii loogu tallogalay dib uga dhacay ay keentay baaqyo ay soo jeediyeen madax kala duwan oo ka qaybgalay shirkii Denmark, waxa uu ku jawaabay โ€œWay ka hadleen masuuliyiintaasi aadย  sheegtay, oo wada hadalad ain dib loo soo celiyo ah,ย  awalna waxaa wada hadaladda ย dib u dhigay dhibaatada faraha badan ee xagga qolada Soomaaliyaย  dalkooda ka jirta ayay ahayd, waanad la socotaa oo aad ayay isaga dhibaataysan yihiin wax la garowsan karo weeye, wada hadaladuna marna isma taagin ee dib ayay u dhaceen. Hase yeeshee waxaanu imika isla qaadanay in dardar cusub la geliyo dhakhsana la isugu yimaadoโ€ ayuu yidhi wasiirku.
 
Maxamed Biixi Yoonis, oo ย la waydiiyay in dib u dhacyadii ku yimid shirkani ay sabab u ahaayeen dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya in sidoo khilaafka madaxda Soomaaliya uu sababi karo dib u dhac mar kale ku yimaada wakhtiga loo balamay qabsoomida shirkaasi, waxa uu yidhi ย ย ย โ€œWay dhici kartaa in uu mar kale dib u dhaco, laakiin ma filayoย  taasi waayo ย ย anagana way naga goโ€™an tahay iyagana way ka soo goโ€™day, mar kalena lama sugi karo, khilaafkooda jirana in uuย  wada hadal ku u ย ย joogsado ma aha ee waa in uu socdo weeye laakiin, waxaanu filaynaa bil ayaa ka hadhsan wakhtiga shirka loo balamay oo ay bishaasi hawlahooda dhamaystaanโ€.
Xubnaha weftiga ee ka socday dhinaca Soomaaliyaย  ayaa ย ka koobnaa ย ย laba ย uu midkood wasiir yahay, halka dhinaca Somaliland na ay u metelayeen wasiirka arrimaha dibada iyo wasiirka madaxtooyada.
Sidoo kale waxaa kulankaasi ay yeesheen labada dhinac ย ย goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka socday dawladda Turkiga oo iyadu shirka marti gelisay.
 
by: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here