Guurtida Oo Loo Qaybiyay Xeerka Diiwaan Galinta Madaniga Ah Ee Guddoomiye Cirro Uu Faro-fareeyay

0
369

Hargeysa (Dawan) – Fadhigii Golaha Guurtida Somaliland ee shalay ayaa loo qeybiyay nuquladda xeerka diiwaan-gelinta madaniga iyo codbixiyeyaasha oo ahaa xeerkii uu Guddoomiye Cirro ku cadaaday inuu faro-gareeyay oo uu wax ka bedalay qoddobo ka mid ah.
Fadhigii shalay ee golaha guurtida oo uu shirgudoominaayay gudoomiyaha aqalkaas  Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa loo qaybiyay nuqulka xeerka diwaan galinta madaniga ah, si ay u soo akhriyaan ugana soo baaraan degaan, xeerkan ayaa waxa uu ka soo gudbay golaha wakiilada.
 
Gudoomiyaha golaha guurtida ayaa waxa hadal kooban u jeediyay xildhibaanada waxa uu yidhi “Xeerkan waxa ka maqnaa in yar oo is badabadal ku dhacay intiina waa lagu soo daray. Markaas ayaynu iskaga iman oo ka doodi doonaa,  Ajandihiina waa waa lay diin qaybiyay.”
 
Sidoo kale fadhigan waxa xildhibaanada loogu qaybiyay ajandaha kal-fadhiga 55-aad ee golaha guurtida oo dhawaan furmay. Qodobada ajandaha kalfadhiga 55-aad ee golaha wakiilada ayaa waxay ka koobnaayeen sagaal qodob kuwaas oo kala ahaa sidan:-

  1. Warbixinta shirgudoonka
  2. ansixinta waxka-bedelka iyo kaabista xeerka diiwaan galinta muwaadiniinta iyo cod bixiyeyaasha
  3. warbixinta guddida joogtada ah
  4. siyaasadda, ta arrimaha gudaha iyo ta dibada
  5. Nabad gelyada iyo horumarinteeda
  6. arrimaha bulshada
  7. arrimaha dhaqaalaha
  8. masuuliyiin xog-waraysi lala yeesho, sida wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, wasiirka qorshaynta qaranka
  9. ansixinta xeerka komishanka AIDIS-ka qaranka.

Xeerkan diiwaan galinta madaniga ah ayaa waxa hore u soo ansixiyay golaha wakiilada, balse waxa ka dhashay khilaaf ka dib markii layku maan dhaafay nuqulka gudoomiyaha golaha wakiiladu gudbiyay golaha guurtida, balse markii dambe isku af gartay lagana gaadhay heshiis. Xeerkan ayaa marka ay golaha guurtidu waajibaadkooda sharci ka gutaan waxay u gudbin doonaan golaha wakiilada oo uu mrkii hore u soo gudbiyay guurtida. Xog-hayaha guud ee golaha guurtida Cabdilaahi Ibraahin Habane ayaa waxa uu xildhibaanada warbixin ka siiyay xeerkan iyo nuxurka uu xambaarsan yahay.
By : Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply