Madaxa boliiska Caasimada Afgaanistaan oo Iscasilay

0
414

Madaxii boliiska ee magaalo madaxda Kabul ee Afghanistan ayaa iscasilay. Arrintan ayaa ka danbaysay kadib markii ay korodhay weerarada magaalada.
Sabtidii, saddex qof oo u dhashay Koonfur Afrika ayaa dhintay kadib markii mintidiin ay soo galeen xero. Dadka dhintay ayaa ahaa hal reer. Hal qof oo Afghanistan u dhashayna waa uu ku dhintay.
Taliban ayaa sheegatay inay weerarka qaaday.
Weerarka ayaa yimid waqti Nato ay isku diyaarinayso inay ka baxaan ciidamadeeda dagaalka dalkaasi. Weerarkii ugu danbeeyay ee Helmand, waxaa ku dhintay toddobo iyo toban askari.
 
 

Leave a Reply