Warbixin Mareykanka ku EedeeySay jidhdil

0
401

Warbixin uu soo saaray guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan ka hortaga jidhdilka ayaa sheegaya in dalka Mareykanka uu aad uga gaabiyay la jaanqaadida xeerka caalamiga ah ee ka dhanka ah jidhdilka.
Warbixinta ayaa ah tii ugu horreysay ee uu gudiga soo saaro tan iyo sanadkii 2006-dii, waxaana ay sheegeysaa in dowladda Mareykanka ay ku guuldareysatay in ay dembi ka dhigto jidhdilka.
Mareykanka ayaa loogu baaqay in uu joojiyo in uu sidii uu doono uu u fasirto xeerka ka yaalla jidhdilka.
Gudiga ayaa dhaleeceeyay qaabka dowladda Mareykanka ay u qarisay xogta ku aaddan hab dhaqanka laanta mukhaabaraadkeeda ee CIA oo ay ka mid yihiin in tuhunsanayaal la waayo, iyo in ciqaab la adeegsado si xog looga helo qof y tuhmayaan, hab dhaqankaasi oo soo shaac baxay markii uu Mareykanka u talinayay George W Bush.
Warbixinta ayaa sidoo kale ka hadashay arxan darrada booliska Mareykanka, balse ma aanay soo qaadan dilkii bishii August ka dhacay magaalada Ferguson ee uu askari cadaan ah ugu geystay wiil madow ah oo aanan hubeysnayn.
Hasa ahaatee warbixinta ayaa lagu sheegay in askar boolis ah oo ay tiradooda ka badan tahay 330 askari maxkamad loo soo taagay dembiyo ay galeen.
 

Leave a Reply