Weftigii Wasiirka Diinta Iyo Dhaqanka Jabuuti Oo Lagu Soo Dhaweeyay Wasaaradda Warfaafinta

0
364

Hargaysa (Dawan): Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta  Somaliland ahna ku Simaha Wasiirka  C/waaxid C/qaadir C/raxmaan ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka diinta iyo Aw-qaafta iyo dhaqanka   ee dalka jamhuuriyadda  Jabuuti  Aadan Xasan Aadan  oo ay wehelinayeen xubno kale, kuwaasi  booqasho ku jooga magaaladda Hargaysa.
Wasiir ku xigeenka  Warfaafinta  Somaliland oo qaabilay weftiga ka socday Jabuuti ayaa uga mahad naqay booqashadda ay ugu yimaadeen, waxaana uu sheegay in ay si weyn u danaynayaan xidhiidh wada shaqayneed oo dhex mara wasaaradaha warfaafinta ee Jabuuti iyo Somaliland.
Wasiir Ku xigeenku waxa uu  weftiga ka socday Jabuuti  faahfaahin ka siiyay hawlaha kala duwan ee ay wasaaradda warfaafintu qabato iyo sidoo kale shaqadda ay qaranka u qaabilsan tahay oo uu ku tilmaamay mid aad u  muhiim ah.
“Farxad iyo sharaf ayay noo tahay inuu xafiiska nagu soo booqdaan weftigii reer Jabuuti ee maalmahan inala joogay ee uu hogaaminayay Wasiirka diintadhaqanka iyo aw qaafta Aadan Xasan Aadan iyo saraakiisha kale , waan idin soo dhawaynaynaa wasaarada warfaafinta oo dhinaca dhaqanka iskaga xidhan nahay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta  Somaliland shaqo badan  ayay qaranka u haysaa oo ay ka mid tahay dhaqanka dawladda Jabuuti-na waan uga mahad celinaynaa sida uu u dhiirigaliyo afka Soomaaliga iyo adigoo ahaa  guddoomiyihii Soomaaliga oo qayb ka ahaa sidii afka Soomaaliga loo kobcin  lahaa,”ayuu yidhi Wasiir Cabdi Waaxid.
 
 
Wasiirka ku xigeenka warfaafinta  oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Annaga ka wasaarad ahaan  way naga go’an tahay sidii afka Soomaaliga iyo dhaqanka loo kobcin lahaa diyaarna waxa aanu  u nahay in labada wasaaradood xidhiidhka joogto ah  yeeshaan,  diyaar ayaanu u nahay sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhkaasi.”
Dhinaca kale Wasiirka Diinta Awqaafta  iyo Dhaqanka ee dalka Jabuuti Aadan Xasan Aadan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa dhiniciisa waxa uu tilmaamay in ay ka go’an tahay inay xoojin doonaan wada shaqaynta labada wasaaradood  ee Somaliland iyo Jabuuti.
Wasiirka diinta iyo dhaqanka Jabuuti waxa  uu ka mahadceliyay sida milgaha leh ee loogu soo dhaweeyay Somaliland, waxaana uu yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa Wasiir C/qaadir C/waaxid C/qaadir iyo madaxda wasaarada warfaafinta sida kalgacaltooyada ah ee aad noo soo dhawayseen, waana dalkayagii iyo dadkayagii oo aanu u nimid, mana dareemayno in aanu marti  nahay, hawshan ku saabsan  labada wasaaradood iyo wada shaqayntoodana hore ayay u sii jirtay waxaanan  rajaynayaa in aanu sii xoojino oo aanu kobcino.”
Wasiir Aadan waxa uu tilmaamay in labada wasaaradood oo ay wada jir isu soo casuumi doonaan xiliyadda ay jiraan xusaska sida munaasibadaha dhaqanka, afsoomaaliga iyo wixii la mid ah.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply