“Xukuumadda Maanta Joogtaa Waxay Qabatay Wax Aan Maraykanku ku qabsan 100 Sanno ”

0
385

Hargeysa(Dawan):- Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdiwaraabe) oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, ayaa  labada xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID  ugu baaqay inay qiraan wixii dawladdu qabatay isla markaana ay noqdaan mucaarid tilmaama wixii  dalka ka dhiman ee lama huraanka ah.
Sidoo kalena waxa uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo Ugu Baaqay inuu haneeyo oo uu si sharaf leh u wareejiyo xilka haddii lagaga guulaysto doorashadda fooda innagu soo haysa, haddii uu ku guulaystana mucaaridka looga baahan yahay inay u haneeyaan.  Xaaji Cabdikariim Xuseen waxa uu sidaasi ka sheegay xaflad balaadhan oo ay goob joog ka ahaayeen Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Labada Guddoomiye ee xisbiyadda qaranka.
“ Mucaaridka waxaan leeyahay doorashaa inagu soo socota Madaxweynuhuna wuu sharraxan yahay, Madaxweyne haddii lagaa helo si wannaagsan u hannee sidii Daahir Rayaale,waar haddii uu helana u hanneeya oo yaan la odhan waa lagu shubtay, Madaxweyne dul ogow oo haddaad ku soo noqotana Illaahay baa hayee  dul-qaad ogow haddii aad waydana sharaf iyo wanaag ogow oo kaga tag,”ayuu ku dardaarmay Xaaji Cabdi Waraabe.
“Mucaaridka laga maarmi maayo waxa dhiman waa in la tilmaamaa,afar madaxweyne ayaa soo maray Somaliland  mid waliba wax buu qabtay,”ayuu yidhi Xaaji Cabdi-waraabe, isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu intaas raaciyay  “Cabdiraxmaan Axmed Cali Madaxweynihii ugu horreeyay ee Somaliland waxaa uu qabtay amuuro aanan wada gaadhayn,wuxuu nasiib ku lahaa xorayntii dalka ee  uu Axmed  Maxamedkani u dhiibay Balligubadle  ee uu dalka  lagu soo galay,waxaa kale oo uu nasiib ku lahaa in uu isu  wada keenay oo dadka reer Somaliland min galbeed illaa bari ee uu Burco shirka ugu wada qabtay,waxaa kale oo uu nasiib ku lahaa siduu noogu wareejiyay.”
Waxaanu intaa uga sii gudbay oo uu is raaciyay Madaxweynihii  labaad ee Somaliland Maxamed Ibraahin Cigaal Alle ha u naxariistee iyo Madaxweynihii sadexaad ee xilka ku wareejiyay Madaxweyne Siilaanyo  Daahir Rayaale. Waxaanu yidhi Xaajigu  “Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal ALLE  ha u naxariistee waxaa uu qabtay seeska Dawladnimo ayuu inoo dhisay,Madaxweyne Daahir Rayaalena ciidanka ayuu inoo dhisay,ina Cigaal ciidamada wuu nec baa  booliska maahee oo waa kuwii xidhay.”
 
Waxaa uu Xaaji Cabdiwaraabe wax ka tilmaamay wax qabadka Xukuumadda maanta tallada haysa ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxwweyne Axmed Siilaanyo  in ay qabatay wax aanay dawladaha waaweyn ee uu maraykanku kow ka yahay aanay ku qaban Karin 100 sanadood. “Dawladda maantana ee uu Madaxweyneha ka yahay Axmed Maxamed Halkii ayay ka qaaday  habkii dawladnimeenu  u tallaabsatay  dawladaha boqolka jiray siday u socdaan bay u socotay,dawladi waa shaqaale shaqaalihii oo aan lacag looga tegin ayay badhida u dhigeen oo ay lacagtii u kordhiyeen kolka shaqaaluhu degaabay dawladnimadu socotaa,waxay ku tallaabsadeen,waxay ku tallaabsadeen nabad gelyada waxay ku tallaabsadeen waddooyinkii,waxay ku tallaabsadeen dhismayaasha,waxay ku tallaabsadeen Diinta, umadi haddaanay diinteeda ku duubnayn ma dhisanto aqal walba 24 ka saacadoodba raadyawgii ayaa dhegta lagu hayaa oo quraankii ka socdaa waxay ku tallaabsadeen oo a  oo ay dhiiri gliyeen culimo awdiinka  waxaynu dheernahay Soomaaliya waa  culimadeena Illaahay cimriga ha u barakeeyee.”
Xaaji Cabdi-waraabe Waxa uu  tallo inay mucaaridku qiraan  wannaaga   iyo wax qabadka aan la tiring  Karin ee ay Xukuumaddu ku qabatay muddada kooban taas oo uu sheegay in aan dawladaha waaweyni ku qaban “Waxaan leeyahay  wanaag ninkii doonayoow  mucaarad sharaf leh noqo,inta adduunku dhisan yahay wax waa dhiman yihiin waxa dhiman oo aad dawladda u sheegto  oo aad qabta tidhaahdo waayi maysid.laakiin siday wax u qabteen si  aan si aan Maraykanku wax u qabanin bay wax u qabteen,”ayuu yidhi Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf, waxaanu intaas ku kabay “Halka dhiman haddii la tilmaamayo  biyihii oo ceelashii qodan yihiin ayaa dhiman,sibidhkii oo agteena ah ayaa isna dhiman dee kuwaa  adeerayaaloow sheega,waar mucaaridku waxa maqan ha sheego ee dadka dantiisa ah, laakiin wax aan  jirin haddii uu sheego cidina ninkaa maqli mayso.”
Xaaji Cabdirakiin Xuseen Cabdiwaraabe oo ka hadlayay  doorashooyinka Somaliland ku soo fool leh ee u qorshaysan in kal dambe bisha lixaad la qabto,ayaa Madaxda Mucaaridka iyo Madaxweynaha labadaba kula dardaarmay in ay aqbalaan natiijo kasta oo ka soo baxda doorashooyinka  soo socda.

By:Faysal Xiis Weerar(Afgaab)

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply