Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray Dhisme Cusub Oo Loo Dhisay Wasaarada Boosaha Iyo Isgaadhsiinta

0
356

 

 

Hargeysa-(DAWAN):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta xadhiga ka jaray dhisme aad u qurux badan oo loo dhisay Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland.

Dhismahan ayaa ku soo biiray dhismayaashii hore ee madaxweynuhu xadhiga ka jaray ee dalka laga hirgeliyo intuu uu talada hayey madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo ka wasaarad ahaana waxa ka soo wareegay dhismihi hore ee ay hada ka guurtay wasaaradani 67 Sanno wakhtigii la dhisay dhismihii hore ee wasaarada Boosaha, balse waxa uu madaxweyne Axmed Silaanyo nasiib u yeeshay inuu wasaaradaasi ku bedelo wasaarad aad u qurux badan oo taariikhda gelidoonta.

Waxa xusid gaara mudan qalabka xafiisyada yaala oodhan waxa lagu sameeyey Somaliland haba-yaraatee laga soo helimaayo siday sheegeen maamulka wasaaradu shay debeda laga keenay marka laga tago qalabka farsamada isgaadhsiinta mooye.

Dawan News

Hargeisa Somaliland

Leave a Reply