Madaxweyne Somaliland Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Isutaga Imaaraadka Carabta

0
385

 
 
Hargeysa-(DAWAN):-Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu  Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Isu-taga Imaaraadka Carabta, isaga oo ku hadlaaya magaciisa iyo ka Shacbiga Somaliland meelkasta oo ay joogaanba, sanad guurada 43-aad  ee ka soo wareegtay (Ciidal Itaxaad ) midayntii Imaaraadka Carabta awgeed.
Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisan Hambalyada ah u dirayaa Madaxweynaha Isu-taga Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa Bin Zayed Bin Sultan Al Nahyan iyo shacbiga Isu-taga Imaaraadka Carabta oo ah Dal iyo dad aynu walaalo nahay oo ay inaga dhaxayso xidhiidh walaaltinimo oo qotodheer.
Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu Isu-taga Imaaraadka carabta iyo Madaxdiisaba Alle uga baryayaa inuu sanadka sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash barwaaqo iyo Rayn-rayn,
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 
Dawan News
Hargeisa Somaliland