Habka Kumbuutarada Sony oo la Weeraray

0
346

Hay’adda dembi baadhista ee Mareykanka, ee FBI ayaa ganacsatada Mareykanka waxay uga digeysaa burburka ka dhallan karo weerarada dhanka internet ka ah, kaas oo ay qaadeen budhcad aan la garaneyn ee ah kuwa kumbuutarada jabsada.
FBI ayaa shirkadaha siisay macluumaadka softwareka loo adeegsaday weerarkan kaas oo sababi kara in hard driverka kumbuutarka uu shaqeyn waayo ama shabakadaha oo dhan ay demaan.
Digniintan ayaa imaaneysa iyadoo weerar lagu qaaday shirkadda Sony, oo laga xaday filimaan aan weli la siideyn, hanaanka kumbuutarada shirkadaasi ayaana waxyeelo daran la gaadhsiiyay.
Waxaa jiro warar la isla dhexmarayo oo aan la xaqiijin, kuwaas oo sheegaya in weerarkan dhanka internetka ah ee lagu qaaday Sony ay ku lug leedahay dowladda Waqooyiga Kuuriya.
Laanta dembi baadhista ee Mareykanka ee FBI ayaa digniinta u gudbisay ganacsatada, iyagoo siiyay warar lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan Saftware-ka ay isticmaaleen budhcaddan aan la aqoon, si shirkadaha ay isaga ilaaliyaan in hanaankooda kumbuutarada la weeraro

Leave a Reply