Guddida Joogtada Ee Guurtida Oo War-bixin Ka Soo Saaray Masuuliyiin ay Waraysteen

0
402

Hargeysa (Dawan) – Guddida Joogtada ee Golaha  Guurtida ayaa shalay fadhigii aqalka odayaasha ka hor jeedisay warbixin dheer oo ka dhalatay xog-waraysiyo ay la yeesheen Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedoolle, Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), Maayarka Caasimadda Hargeysa C/Raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo agaasimaha cisbitaalka Hargeysa.
Xoghayaha guddida joogtada ah mudane Cabdinaasir Aadan Beegsi oo isku soo dubo-riday macluumaadka warbixintaas, ayaa xildhibaanada u akhriyay warbixin dheer oo u qornayd sidan:- “Guddida joogtadu waxay kulan xog-waraysi ah la yeesheen Wasiirka wasaarada beeraha Prof. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole). Wasiirka beeruhu waxa uu noo sheegay in ay wax ka bedaleen qaab dhismeedkii wasaaradda beeraha, kuna kordhiyeen waaxyo cusub. taas oo qaab dhismeedka wasaaradda beeraha ka dhigtay wasiirka, wasiir ku-xigeen, agaasimaha guud iyo lix agaasime waaxeed.
 
Wasaaradda beeraha oo ka mida wasaaradaha ugu muhiimsan wasaaradaha dalka marka laga eegayo wax-soo saarka, waxay muhiimada saartaa waa biyaha iyo cuntada.
Wasaaradda beeraha waxa lagu sameeyay dib-u-dhis dhamaan xafiisyada, gobolada dalkana waa la hagaajiyay xarumahoodii.
 
Dhanka qalabka waxaanu helnay gaadiid iyo cagafyo aanu ku shaqayno, kuwaas oo wax ka taraya hawlaha shaqo ee wasaaradda beeruhu u hayso qaranka.
Dhinaca wax-soo-saarka banka Wajaale ciidamada ka beerta raashinka soo go’ayana ciidanka ayaa iska leh.
 
Bariiska ayaa isna waxa uu ahaa mashruuc tijaabo ah ayaanu beernay si fiicana ugu baxay beerladii ku dhiiray beeristiisana waxaanu siinay abaal marin. Wasaaradda beeruhu waxay samaysay mashruuc dalka lagag hirgalinayo biyo xidheenno, kaas oo lagu bilaabi doono dooxa maroodijeex, halka kuwa kalena lagu xig-siin doono. Waxa isna jira mashruuc wadanka Jarmalku waddo oo uu ku bixiyay 30 milyan, kaas oo Geed deeble biyihiisa kor loogu soo qaadayo. Laabkii wax lagu baadhayay ayaa 3 laab aanu  samaynay Somaliland Development Fund 500, 000 $ (Dollar) ayaa noogu jira. Xarunta cilmi baadhista ee Abu riin ayaanu tabobaro uga furnay beeralayda gobolada dalka oo dhan,”ayuu yidhi Wasiirka Beeraha oo Guddida Joogtada u waramayay.
Xog-haya guddida joogtada ah ee golaha guurtidu waxa kale oo uu warbixintaas kaga hadlay kulan ay la yeesheen maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), waxanuu yidhi “Guddida joogtada ah ee golaha guurtidu waxay kulan xog-waraysi ah la qaateen maayarka caasimada Hargeysa, kaas oo ka hadlay waxqabadkii ay ku talaabsadeen, maayarku waxa uu warbixintii uu na siiyay uu ku sheegay in mudadii ay xilka hayeen ay u qabsoomeen ama ay sameeyeen 17 wado oo cusub, 13 wado oo kab-kabis lagu sameeyay hal biriish iyo in ay mustaqbalka dhaw ku talo jiraan in caasimada Hargeysa loo sameey biriish sadexaad oo ay iska kashan doonaan dawlada hoose iyo Hay’addaha dawlada dhexe. Maayarku waxa waxa uu noo sheegay in ay dawlada hoose ee caasimadu ay fulisay 13 mashruuc.
 
Sidoo kala maayarka caasimadu waxa uu ka hadlay hawlaha shaqo ee ay qabtaan gaadiidka dab-damiska ee caasimadu, waxaanuu sheegay in 91 qoys oo dab qabsaday loo sameeyay gurmad dab-damis.
Sidoo kale kulankaas aanu la yeelanay guddi ahaan maayarka caasimada waxa uu noo sheegay in dawlada hoose ee Hargeysi ay xidhiidh caalami ah la yeelatay wadamada Jabuuti, Sweden, Uk, Itoobiya, iyo wadamo kale oo carabta ah.
 
Xog-haya guddida joogtada ah ee golaha guurtidu waxa kale oo uu warbintiisaa ku sheegay in ay kulan la yeesheen taliyaha guud ciidamada asluubta sareeye guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), taliyuhu waxa uu noo sheegay in la dhismeyaal xabisyo cusub ah laga sameeyay Caynaba, Ceel-afweyn, Oodwayne haseyeeshee aanay jirin wax ciidan cusub ah oo loo qoray xabsiyadaas. Xabsiyadaa masaabiista ku xidhana ku tallo galka miisaaniyada ee cuntada laguma darin.
 
Waxa kale oo taliyuhu guddida u sheegay in dhibi ka jirto faraqa u dhaxeeya qiimihii hore ee raashinka maxaabiistu ku qiimaysnaa iyo qiimaha hada qandaraaska raashinka lagu bixiyo, kaas oo ah mid aad u kala fog.
 
Geesta kale warbixinta guddida  joogtada ah ee golaha guurtidu waxay ka hadleen kulan ay la yeesheen agaasimaha cisbitaalka guud ee Hargeysa, waxaanay sheegeen in ay warbixin ka dhagaysteen agaasimaha cisbitaalka guud ee Hargeysa  Dr.Axmed Xaaji Cumar Askar, kuna ogaadeen in uu cisbitaalku ku talaabsaday horumar aad u balaadhan, taas oo keentay in wadanada jaarka looga yimaado mishiinada kalyaha lagu sifeeyo.
 
Ugu dambayntii warbixintaas guddida joogtada waxa lagu yidhi guddida joogtada ah ee golaha guurtida oo ka qayb qaatay xalintii khilaafkii golaha wakiilada, kaas oo dalka ka abuuray khal-khal siyaasadeed, nabadgelyo, horseedayna daganaasho la’aan iyo xasilooni daro. Talo ahaan guddidu waxay soo jeedinayaan 1. In go’aankaas lagu soo dhameeyay khilaafkii golaha wakiilada wax burinaya aan lala iman. 2. In dadwaynaha reer Somaliland aanay ku dhex-milmin wax-kasta oo waxyeelaya nabad-gelyada iyo geedi socodka horumarka dalkeena.”
By : Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply