Madaxweynaha Somaliland Oo Furay Dhisme Laba Dabaq ah Oo Dawladdu u Binaysay Wasaaradda Boosaha

0
419

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay  xadhiga ka jaray dhisme cusub oo  fooq laba dabaq ah ka kooban oo loo dhisay wasaaradda Boosaha iyo Is-gaadhsiinta.
 
Dhismahan cusub ee loo dhisay wasaaradda Boosaha iyo Is-gaadhsiinta ayaa  laga maalgeliyay miisaaniyadda dawladda dhexe ee Somaliland, iyadoo ay wasaaradu markii hore ku jirtay dhisme dug ah, isla markaana aan ku filayn in ay hawlaheeda gudato kaasi oo la sheegay in la dhisay sanadkii 1944-kii.
 
Madaxweyne Siilaanyo ayaa sanad ka hor dhagax dhigay dhismahan cusub ee wasaaradda Boosaha ee  uu shalay xadhiga ka jaray, kaasi oo socday muddo sanad ah.
 
Xaflad aad u balaadhan oo loo sameeyay xadhig ka jarista dhismahan cusub ee wasaaradda Boosaha iyo Is-gaadhsiinta  oo lagu qabtay isla goobta   laga dhisay oo ah halkii hore ee ay ku taalay wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta, ayaa waxaa ka soo qaybgalay wasiirro ka tirsan xukuumadda, agaasimeyaal, xildhibaano ka tirsan labada gole ee Guurtidda iyo Wakiiladda, wasiirka wasaaradda Boosaha iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi, masuuliyiin kale   iyo shaqaalaha wasaaradda Boosaha.
 
Waxa kale oo munaasibadaasi ka soo qayb-galay masuuliyiin ka socday shirkadaha isgaadhsiinta ee dalka ka jira  iyo guddoomiyaha ururka shirkadaha isgaadhsiinta iyo marti sharaf kale.
 
Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo hadal ka jeediyay munaasibadii uu xadhiga kaga jarayay dhismaha cusub ee wasaaradda Boosaha iyo is-gaadhsiinta, ayaa sheeay inay tani ka mid tahay tallaabooyinka horumarka ah ee ay xukuumadiisu dalka ka hirgelisay, waxaanu tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay in uu xadhiga ka jaro dhismahan oo uu isagu hore u dhagax dhigay.
 
Waxa    uu sheegay madaxweynuhu in wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiintu ay ahmiyad weyn u  leedahay qaranka.   isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Farxad aad iyo aad u weyn ayay ii tahay in aan  maanta(shalay)  ka soo qaybgalo xafladan  furitaanka xarunta cusub ee  wasaaradda Boostadda  iyo isgaadhsiinta oo ahmiyad weyn qaranka u leh, imika in muddo ahba waynu ogayn  oo waxaynu furaynay wasaaraddo farra badan iyo hay’ado faro badan iyo wadooyin badan oo horumarka dalka ku saabsan ayaynu xadhiga  ka jarnay tana kuwaasi ayay kamid tahay. Boosaha  iyo Isgaadhsiintu ahmiyad weyn ayay u leeyihiin qaranka, waxaan aad iyo aad ugu faraxsan nahay in aynu maanta tallaabooyinka aynu qaadayno, wasaaradaha qaranka dhismahooda aynu ku kordhinay,  hawlaha aynu qaranka u qabanay ayay tanina ka mid tahay, kuwa ugu muhiimsan.”
 
Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu sheegay  in mudaddii ay xukuumadiisu taladda dalka haysay ay ku talaabsatay horumar aad u weyn  oo dhinacyo kala duwan leh, sida wasaaraddo badan oo la dhisay iyo wadooyin-ba, isla markaana uu dalku maalin walba tallaabo horumar ah qaadayo.
 
“Markaa aad baan ugu faraxsan nahay in aan ka soo qayb-galo aad ayaanan ugu faraxsanahay inuu horumarkaasi ka mid noqdo kuwa  ugu muhiimsan ee intii ay dawladani jirtay ku tallaabsatay aad iyo aad ayaan ugu hambalyaynayaa wasiirka boosaha iyo shaqaalaha, sidoo kale wasaaradda  aad ayaan ugu hambalyaynayaa, aad ayaan ugu hambalyaynayaa dhamaanba intii ka qayb-gashay hirgelinta dhismahan, markaa waxaan leeyahay soo dhawaada, hawshana Alle ha inoo fududeeyo, halkana aan hore uga sii socono. maalin walba tallaabo ayaynu hore u sii qaadaynaa, maalin walba dalka ayaynu dhisaynaa, maalin walba dhagax ayaynu dhigaynaa, oo wado ayaynu furaynaa, maalin walba wasaaraddo ayaynu  furaynaa, maalin walba iskuulo ayaynu furaynaa, maalin walba cusbitaal ayaynu furaynaa, maalin walba allaabo dalku u baahnaa oo dalka horumarkiisa ah ayaynu qaadaynaa” ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.
 
 
Wasiirka Wasaaradda Boostadda iyo Is-gaadhsiinta  Maxamed Jaamac Abgaal, oo isna munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa ka waramay ahmiyadda ay wasaaradda Boosuhu qaranka u qaabilsan tahay iyo sidoo kale dhismihii ay markii hore ku shaqayn jireen oo uu sheegay in ay tahay  meel xiligii dawladii Soomaaliya ku shaqayn jiray isu-duwihii heer gobol. Waxaanu  yidhi “Wasaaradda Boostadda Isgaadhsiintu wixii ka danbeeyay markii aynu gooni isku taageena la soo noqonay wixii ka horeeyay waxa halkan ku shaqayn jiray heer isku duwe gobol ama woqooyi galbeed markaa ahaa, intaa wixii ka danbeeyay oo ah 1991 oo la aasaasay  guud ahaan qaranka  Somaliland iyo wasaaradihiisa ayay Wasaaradda Boosaha  iyo Isgaadhsiintu ka mid noqotay wasaaradihii dastuuriga ahaa ee qaranka loo aasaasay. Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiintu waxay qaranka u xilsaaran tahay inay bixiso liisamadda, inay bixiso firikuweynsiyadda loo qaybiyo ama loo qoondeeyo shirkadaha arrimaha loo qoondeeyo cashuuraha ururinta cashuuraha ku waajibay shirkadaha, dejinta tacriifadaha cashuuraha eek u waajibay  shirkadaha, hubinta hab-sami u socodka shaqooyinka isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda”.
 
 
 
Wasiir Abgaal oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku kabay “Wasaaraddan Boosaha markii la aasaasay ilaa maanta waxaa soo maray 26 wasiir, waxaan ahay wasiirkii 26aad ee qaranka Somaliland intii uu jiray, waxaan joogaa wasaaradda sanadkii labaad ayaa ii bilaabmay, oo hal sano ayaa ii dhamaaday. Sidii wasiirradii iga horeeyayba   ay ahaayeen maalintii xilka aan la wareegay anigoo ixtiraamaya kuna shaqaynaya talloobinkii madaxweynaha waxaanu barnaamijka dhiganay inta aanaan wax kale qaban, halkii aanu fadhiisan lahayn oo u eg ama ku dhaw shirkadaha aanu wada shaqaynayno in aan dhisno, markii aanu madaxweyne raacnay tallooyinkaagii, markii aanu la kaashanay wasiirka maaliyadda oo aan aad ugu mahadnaqayo sidii uu noogu hagar baxay in dhismahani hirgalo, markii aanu la tashanay ayaanu isla garanay in aanu dhismihii hore ka soo wareegno oo la dhisay 1944-kii  hugayagu  u ekaado ka raga aanu la shaqaynayno, markaas ayay tani noo suurto gashay adiga ayaana noo dhagax dhigay madaxweyne, adoo nool markii uu sanad ka soo wareegay in aad maanta noo furto aad ayaan ugu faraxsanahay”.
 
 
“Shirkadaha isgaadhsiinta ee ay wada shaqayntu naga dhagaxayso waxay dalka ka soo qabteen iyo siday u soo shaqeeyeen way muuqataa, waanan u mahadnaaynaa,, iyaguna baahi weyn ayay u qabaan wasaarad xoog leh iyo xukuumad shaqaysa in ay helaan,”ayuu ku dooday Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiintu.
 
Geesta kalena waxa isna xafladaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Faysal Cali Sh. Maxamed, waxaanu ka waramay dhibaatada ay markii hore ku haysay  xafiis xumaddu, waxaanu tilmaamay in dhismahani uu wax weyn ka bedali doono hawlaha wasaaradu qaranka u qabato.
Waxa kale oo isaguna xafladaasi ka hadlay Wasiirka Maaliyadda Cabdi Casiis Maxamed Samaalle oo sheegay in dhismaha cusub ee xadhiga laga jaray uu ka mid yahay wax-qabadka iyo horumarinta xukuumadda madaxweyne Siilaanyo dalka ka fulisay afartii sannadood ee la soo dhaafay.  Wasiir Samaalle waxa uu sheegay in dhismahaas labada dabaq ah ee loo dhisay wasaaradda boosaha laga maal-geliyay miisaaniyadda qaranka ee xukuumadda dhexe.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply