Marwadda Koowaad Oo Kormeer Ku Soo Martay Cusbitaalka Caruurta Ee Hargeysa

0
404

Hargaysa (Dawan): Marwadda koowaad ee Qaranka Somaliland Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina Weris) oo ay wehelinaysay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan iyo xubno kale ayaa shalay  waxay kormeer ku soo mareen  cusbitaalka carruurta ee Maxamed Aadan Sheekh ee ku yaala magaaladda Hargeysa.
Kormeerkaasi oo ay ujeedadiisu ahayd mid ay ku qiimaynayeen xaaladda cusbitaalkaasi iyo adeegyadda uu bixiyo oo ah lacag la’aan, isla markaana fikradiisa uu lahaa Alle ha u naxariistee marxuum Dr. Maxamed Aadan Sheekh, waxaana cusbitaalkaasi si wada jir ah gacanta ugu haya dawladaha Somaliland iyo Talyaaniga.
Marwo Aamina Weris intii ay ku guddo jirtay kormeerkaasi waxay soo martay qaybaha kala  duwan ee cusbitaalka, waxaanay warbixino ka dhegaysatay hawlwadeenada iyo shaqaalaha cusbitaalka iyo sidoo kale dhakhaatiirta ka shaqeeya oo isugu jira ajnabi iyo kuwo kale.
Kormeerkaasi ka dib ayaa Marwadda iyo Wasiir ku xigeenka Caafimaadku waxay la hadleen warbaahinta, Marwo Aamina Weris, oo halkaasi ka hadashay ayaa aad ugu mahadnaqday shaqaalaha iyo hawlwadeenada cusbitaalkaasi, waxaanay tilmaantay in cusbitaalkani uu yahay mid qiime  weyn ugu fadhiya Somaliland.
Waxa kale oo  ay intaasi ku dartay Marwo in cusbitaalka la balaadhinayo adeegyada uu fuliyo, isla markaana lagu soo darayo qaybta daryeelka hooyadda maadaama aanay hooyada iyo dhalaanku kala maarmin. Waxaanay tidhi “Shaqaalaha reer Somaliland ee halkan ka shaqaynaya rag iyo dumarba aad iyo aad ayaan idiinku mahadnaqayaa, mashruucani waa mashruuc inagu qaali ah, waanad aragtaan hawsha gashay ee ay saaxiibadeena Talyaanigu inoo soo hureen, waxyaabaha soo socda ay soo wadaana  kuwo aad iyo aad inoo anfacaya, hooyadda iyo dhalaanku  ma kala maarmaan imika dhalaankii ayaa hawl wanaagsan loo hayaa, qaybta hooyadana waa lagu soo kordhinayaa” .
wasiir  ku xigeenka caafimaadka oo iyadna halkaasi ka hadashay, ayaa faahfaahin ka bixisay tiradda curuurta cusbitaalkaasi lagu daweeyo oo  ah 60 caruur ah, iyadoo dhamaanba adeega  cusbitaalku ay yihiin kuwo lacag la’aan ah.
waxaanay tidhi “U jeedadda cusbitaalkani loo aasaasay waxay ahayd in da’yarteena waxbaratay, aqoontooda iyo akhlaaqiyaadkoodaba kor loogu qaado, markaa maanta cusbitaalkani  intaasiba way ka muuqdaan.  Cusbitaalkani waxa uu daweeyaa carruur ay tiradoodu gaadhayso 60 maalintiiba, toddobaadkiina waxay noqonaysaa 360 carruur ah, bishiina 1440 caruur ah, halka ay sanadkii noqonayso 17280 carruur ah, waana bilaash daawada la siinayo iyo cuntadda la siinayo, baadhitaanka iyo jiifka oo iyaguna bilaash  ah inta ay halkan joogaan”.
 
Nimco Xuseen Qawdhan, waxa kale oo ay sheegtay in dhakhaatiirta ka soo qalin jabiya jaamacadaha sanad kasta afar ilaa lix lagu tababaro cusbitaalkaasi, taasi oo ay u jeedadeedu tahay sidii loo yarayn lahaa dhimashadda dhalaanka iyo hooyadda.
“Waxaa loogu tallogalay in cusbitaalkan lagu tababaro sanadkii dhakhaatiir gaadhaya 4 ilaa  6  oo ah dhakhaatiirka da’da yar ee Jaamacadaha ka soo baxay, ujeedaduna ay tahay sidii aynu u yarayn lahayn dhimashada caruurta iyo hooyadda oo runtii aad inoogu badan” ayay tidhi wasiir ku xigeenka caafimaadku.
Dhinaca kale Dr. Khadra oo ka mid ah aasaasayaashii cusbitaalkaasi oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa Marwada Madaxweynaha uga mahadnaqday kormeerka ay ugu timid iyo sida ay ula socoto   mar walba xaaladda cusbitaalka.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply