‘Saamayn Naguma Keeni Doonto Hankinta Kalluunka Laga Keeno Dibaddu’

0
411

Dawladda Somaliland ayaa sheegtay in aanay wax saameyn ah ku keeni doonin hakintii dhawaan guud ahaan dalka laga hakiyay ku iibinta kalluunka laga keeno meelo kale oo dibadda ah.
Wasiirka kalluumeysiga iyo khayraadka baddaha Somaliland Cali Jaamac Faarax ayaa sheegay in ay arkeen qiimo dhac ku yimi kalluunka ka dib markii meelo ka baxsan xeebaha Somaliland laga keenay kalluun, sidaa darteed ay amar kusoo saareen in kalluun aan laga soo iibin karin meelo ka baxsan deegaannada maamulkooda ka arimiyo.
“Kalluunka ay keenaan kalluumaysatada Somaliland ayaa ilaa amar dambe suuqyada Somaliland, kaluunkii dhulkayaga oo aad u badan, suuqna loo la’ yahay in kalluun kale dibadda laga keeno aad bay noogu adkaatay, dhaqaale la’aan ayaa ka timi, waxaanu amar ku bixinay in aan meel banaanka ah laga keeni karin, ganacsatada waxaanu sheegnay in halkan (Somaliland) ka iibsadaan kalluunka, taasina wax saamayn ah naguma keenayso oo waxa soconaya oo iibsamaya kalluunkii dalka.”
Dhanka kale waxa uu sheegay wasiirku in tabobaro xoogan ay siiyaan Kalluumaysatada Somaliland, sidoo kalena ay wadaan qorshe ay ku doonayaan in dibaddaha ay u iib geeyaan Kalluunka kasoo baxa Xeebaha Somaliland.

Leave a Reply