Sheekooyinka Khayaaliga ahi Run Ma Noqdaan?

0
752

Morgan Robertson ninkan oo ah qoraa caan ku ah sheekooyinka gaagaaban oo Maraykan ah ayaa sanadkii 1898 qoray  Buugga sheekada laga magac baxaday The Wreck of the Titan ( Burburkii Titan). Muu ahayn faaliye mana uu ahayn xidigiye, laakiin sheekada uu alifay  ayuu kaga waramay  Markab Titan oo ku burburay isagoo ka talaabaya badaweynta Atalatinga meel 400 km  u jirta  Jasiirada New foundland, taasi oo jiidhay buur goor habeenimo ah. Rakaabkii Markabkan ayaa wada dhintay ka dib markii ay waayeen saxiimado badbaadiya.  Waxase yaab noqtay muddo 15 sano ka dib markii uu qoridda sheekadan oo ahayd 1912-kii 15 April, in  uu markabkaasi goobtaasi ku burburay ayna ku dhinteen kala badh rakaabkii sarnaa. Waxa yaab noqotay sida ay mararka qaarkood sheekada khayaaliga ahi ay u noqoto mid rumowda.

Leave a Reply