Xukuumadda oo Bilowday Qorshe Lagu Daadejinayo Adeegyadda Caafimaadka

0
390

Hargeysa (DAWAN)- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa bilawday tababaro ku saabsan nidaam lagu gaadhsiiyo maamulka caafimaadka magaalooyinka Somaliland.
Tababarka lagu baranaayo nidaamka maamul daadejinta loogu sameeyo caafimaadka dalka oo ka furmay shalay  hudheelka Mansoor, waxa wejigiisa ugu horreeya lagu tijaabinayaa magaalooyinka Boorama, Berbera iyo Burco.
Xafladda furitaanka tababarkan waxa ka qaygalay maayirada magaalooyinka Boorame, Berbera, Burco, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cismaan, Isu duwayaasha Caafimaadka ee magaalooyinkaas,  iyo xubnaha tababarku u bilaabmay.
“Ujeeddada kulankan waa in la tijaabiyo mashruuc ay gadhwadeen ka tahay wasaarada caafimaadka Somaliland oo la doonaayo in hoos loogu daadajiyo hawlaha ama adeegyada caafimaadinta bulshada Somaliland, waxaana la raba in in lagu tijaabiyo saddexdaas magaalo madax, ka dibna lagu baahiyo guud ahaan dalka, waana in wixii caafimaad ku saabsan ee magaalooyinka ay qaybtooda ka qaataan golayaasha deegaanadaasi oo shacbigu helo guud ahaan adeegyadii caafimaadka heer  degmo ilaa heer xaafadeed,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cismaan Xuseen Warsame.
Dr. Cismaan Xuseen Warsame waxa uu sheegay in hirgelinta hawshan ay ka caawinayso hay’adda UNICEF, isagoo xusay in laga shaqayn doono sidii mashruucaas u hirgeli lahaa, looguna guulaysan lahaa, gaar ahaan ay qayb weyn ka qataan golayaasha degaannadu maamul daadejinta adeegyada caafimaad.
By: Idiris M. Xasan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply