Muuse Biixi Oo Sheegay In Shirkii Xisbiyadda Afrika Lagu Go’aamiyay in la isku Furo Ganacsiga Qaaradda

0
368

Hargaysa (Dawan)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in shirweynihii xisbiyadda dimuqraadiga ah ee qaaradda afrika oo lagu qabtay dalka marooko, lagu go’aamiyay in la isku furo ganacsiga qaaradda.
Sidaasna waxa  Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi ku sheegay shalay oo uu wadanka dib ugu soo laabtay, waxaana madaarka caasimadda Hargeysa ugu waramay warbaahinta oo uu tafaasiil ka siiyay socdaalkiisii.
oo dalka Morocco kaga qayb galay shir  lagaga hadlayay hanaanka xisbiyadda siyaasadeed ee Afrika  ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay, isagoo arrimahasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan tegay shir  dalka Morocco magaaladda Mariachis oo ay isku yimaadeen xisbiyada Afrika ee ku abtirsada dimuqraadiyada waxaana ka soo qaybgalay 24 dal oo ka kooban qaaradda Afrika.Shirkaasi waa sanadle waa urur   la aasaasay 2003, waxa ka soo qaybgalay sanadkan baarlamaanka Ingiriiska, Jarmalka, Sweden, Denmark, Baanka Adduunka iyo Baanka  Horumarinta Afrika. Xisbiyada oo ah kuwa dawladuhu ka samaysmaan waxa la gaadhay haddii aan xisbiyada xoog la saarin oo aan laga soo abuurin dawlad wanaaga, in aanay jirin dawlad hagaagsani.”
 
Guddoomiyaha Kulmiye, oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi   “Shirkaas waxa la isku waydaarsadaa arrimo badan, qorsheyaal na waa laga soo saaraa laba ayay u qaybsamaan, qorsheyaashaasi mid waxa laga rabaa inay fuliyaan dawladihii ay ka yimaadeen axsaabtu, midna caalamka ayaa ka masuula oo dhibaatooyinka Afrika marka la xaliyo sanadkan waxa xooga la saaray ganacsiga Afrika, waxa la ogaaday qodobo badan oo hor taagan ganacsiga Afrika oo ay ka mid yihiin meelaha cashuuraha, kastamka, waddooyinka iyo shirkadaha qaabilsan ganacsiga Afrika oo dhamaantood ku xidhan Yurub oo ay yar tahay in Afrika iyadu wax kale iibsato.
Muuse Biixi waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyay  waxyaabihii shirkaasi la iskula soo qaaday. “waxa kale oo  shirkaas lagaga hadlay shaqo la’aanta haysata Afrika ee baahsan iyo  Afrika oo mustaqbalka soo socda loo arko in ay noqon doonto meesha shaqada ugu badani ka abuurmi doonto.  Shirkaas waxa lagu soo qaaday in tobanka sano ee soo socda laga yaabo inay u soo guuraan wershadaha waaweyn ee Yurub, Afrika, haddii ay ka helaan dawlad wanaag, markaasna ay ka abuurmi doonto 50 milyan oo shaqo ahi”ayuu yidhi guddoomiye Biixi.
Dhinaca kale Muuse Biix Cabdi waxa uu sheegay in shirkaasi uu ka hadlay isla markaana uu dood ka dhiibtay taasi oo uu kaga hadlay qaabka ay u dhisan yihiin xisbiyadda Somaliland.
Waxaanu yidhi   “Annagu xisbiga Kulmiye xubin ayaan ka nahay labadii sano ee u  danbeeyay, waxa aanu kaga doodnay labo qodob mid Afrika ayaan la wadaagnaa  oo ah dawlad wanaageeda dhaqaalaheeda iyo sida khilaafka loo damiyo, taa Afrika ayaan la qabnaa, Somaliland lama ictiraafsana, waxaanu  had iyo jeer qoraalo ka bixinaa Soomaaliya la ictiraafsan yahayna mid jirta oo dhigan ma aha oo xisbiyo ka dhisan yihiin.Somaliland baarlamaankeedu waxa uu ka kooban yahay saddex xisbi oo waa meesha qudha ee Afrika saddex madaxweyne si nabada xilka ula kala wareegeen.Afrikana waxay ku noqotay macjiso lala yaabo, sanadkan waxa aanu kaga nimi shirkaas in la qaato labo go’aan ka hore oo ah in Afrika la isku furo ganacsigeeda, iyo ka labaad oo ah in ay ku xidhiidhsamaan Afrika  Union oo xisbiyadu waxa ay soo saaraan ku socodsiiyaan.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply