Madaxweyne Siilaanyo Oo Weftigii Jabuuti Ka Guddoomay Dhambaal ay Uga Sideen Madaxweyne Geelle

0
364

Hargeysa(DAWAN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Salaasadii intii aanay dalka ka dhoofin xafiiskiisa ku sii qaabilay weftigii ka socday dawladda Jabuuti ee uu Hoggaaminayay Wasiirka Diinta, awqaafta iyo dhaqanka dalkaas Aadan Xasan Aadan oo socdaal sadex maalmood qaatay ku yimid dalka.
 
Wasiirka Diinta, awqaafta iyo dhaqanka Jabuuti Aadan Xasan Aadan ayaa madaxweynaha Somaliland uga mahad celiyay sida xukuumadiisu ay ugu soo dhawaysay dalka, waxaanu tilmaamay in arrintaasi marag fur buuxa u tahay iskaashiga iyo saaxiibtinimada labada dal ee Jabuuti iyo Somaliland.
 
Wasiirku waxa uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo soo gaadh siiyay dhambaal salaan ah oo uu uga siday madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, taasi oo uu madaxweynuhuna si kal iyo laab ah uga gudoomay.
 
Wasiirka diinta, awqaafta iyo dhaqanka Jabuuti waxa uu sheegay in bisha January ee fooda inagu soo haysa ay Magaaladda Hargeysa ka furan doonaan xafiiskii hore labada dawladood ugu heshiiyeen inay is dhaafsadaan,waxaanu xusay in safiirkii Jabuuti u fadhiyi doona Hargeysa uu la socday weftigiisan.
 
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa weftiga Jabuuti soo dhaweeyay, waxaanu xusay in dalkani uu yahay dalkoodii labaad oo aanay marti ku ahayn.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in Somaliland iyo Jabuuti ay yihiin laba qaran oo walaaltinimo iyo jaarnimo ka dhaxayso, waxaanu balan-qaaday inay ka go’an tahay in kor loo sii qaado iskaashiga iyo wax wada qabsiga Somaliland Iyo Jabuuti.
 
Kulankaasi waxa goob joog ka ahaa Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Guddoomiyaha DAWAN MEDIA GROUP Maxamed Cismaan Mirre iyo masuuliyiin kale.
 
 
Weftiga Jabuuti waxay Hargeysa u yimaadeen ka qeyb-galka xafladii lagu furayay dugsiga boodhinka ah ee agoomaha ee dawladda Kuwayt maal-gelisay, waxaana ku soo marti qaaday dawladda Somaliland.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply