QM oo ka Walaacsan Go’aamada Xeerbeegtida Maraykanka

0
437

Xeeldheerayaasha xuquuqalinsaanka QM ayaa muujiyay sida ay sharciyan uga walaacsan yihiin xeerbeegtida Maraykanka eek u guuldaraysatay in ay dacwad ku qaadaan rag booliis ah oo ku lug lahaa geerida laba ka mid ahaa shacbiga madow ee Maraykanka ah.
Waxa ay sheegeen in ay qeyb ka tahay arrin bahsan oo khusaysa tacadiyada loo geysto dadka tirade yar.
Dhinaca kale, Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay magaalada New York iyaga oo ka cabanaya go’aanka ah in aan dacwad lagu soo oogin askari caddaan ah oo ka tirsan booliska oo ku lug lahaa dilka nin madow ah oo aan hubeysnayn.
Dadkani dibadbaxa dhigaya ayaa isugu uruuray meel u dhow xarunta booliska waxa ayna dalbanayaan caddaalad.
Dadka dibadbaxaya waxay sidoo kale wataan Naxash macmal ah oo ay tusaale uga dhigayaan geerida ninka la dilay.
Mayor-ka magaalada New York Bill de Blasio ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay waxa uu ku sheegay in loo baahan yahay in wax laga badalo xidhiidhka booliska iyo dadweynaha u dhaxeeya. Sidoo kalena loo baahan yahay in nolosha dadka madowga ah loo qiimeeyo sida tan dadka cadaanka ah.
Maalintii Arbacada ahayd booliska magaalada New York waxay xidheen dad gaadhaya 83 qof oo mudaaharaadayay
 

Leave a Reply