Magaca Madaxweynaha Qofna Looma Bixin karo (Amar Yaab leh)

0
403

Telefishinka Rasmiga ah ee Dawladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in amar ka soo baxay dawlada uu farayo muwaadiniinta dalkaasi ee la magac ah madaxweynaha inay si dhakhso ah magacaasi isaga bedelaan lana baxaan magac kale oo aan ahayn kan madaxweynaha. Waxa kale oo dawladdu amartay bulshada in caruurta dhalata aan loo bixin magaca aabaha iyo awowga madaxweynaha hadda xilka haya.  Iyadoo caruurta dhalata laga mamnuucay in loo bixiyon magic madaxweynah, kan aabihii iyo ka awowgii midana.  Idaacadda dalkaasi ayaa iyana baahisay amarkaasi ah in aan la ogolayn in magaca madaxweynaha, kan aabihii iyo awowgii aan loo bixin Karin caruurta dhalata. Hay’adaha dawladda ayaa lagu amray inay dadka magacooda bedelay ka caawiyaan waraaqaaha documentiga ah ee ay hore u lahaayeen. Dalka Kuuriya lama ogola qof loogu yeedho magaca Kiim Young oo ah kan madaxweynaha. Dadka aan bedelin ayaa la kulmi doona ciqaab.
 

Leave a Reply