Magaca Maxamed Oo Noqday Magaca Ugu Badan Dalkaasi Ingiriiska

0
416

Sida lagu sheegay warbixin lagu qoray wargeyska lagu magcaabo Daily British Tendency magaca Maxamed ayaa noqday magaca ugu badan ee laga isticmaalo dalkaasi Ingiriiska,iyada oo la sameeyey tiro koob lagu qoray caruurta dhalatay sannadkan aynu ku jirno ee loo bixiyey magaca Maxamed.
Waxaanu magacani ka batay magacyadda ay dhaqan ahaan isticmaalaan dadka reer Britain ee ay kamidka yihiin “Oliver “,” Jake “,” Noy “,” Gary “,” Charlie “,” James “,waxaanu kuwaasi soo galeen kaalinta 29-naad iyo 35-naad,kuwaas oo iyaguna lamid ahaa magacyadda dumarka ee la tijaabiyey oo ay kamid ahaayeen Mary.
Waxaana lagu bedelay magacyadaasi dumarka magacyo kale oo ay kamid ahaayeen sida Nuura iyo Maryam.
Waxa kale oo iyaguna aad u batay magacyadda kale ee Cali,Cumar iyo Ibraahim oo loo bixiyo caruurta dhalata kuwo badan oo kamid ah,sida lagu sheegay warbixin kale oo lagu qoray The Mirror,waxaanay taasi muujinaysaa kacdoonka kala duwanaansho ee dalkaasi Britain ka jira ,gaar ahaana diinta Islaamka oo aad ugu faaftay dalkaasi.
Magacyadda Nuur Iyo Maryam ayaa meesha ka saaray magacyada lagala bixi jiray dalkaasi Ingiriiska ee ay kamidka ahaayeen Sophia,Amelie iyo Lily.
Dalkaasi Ruushka marka loo eego waxa iyaguna sannadkan 2014 ka ,kaalmaha hore galay magacyadda loogu isticmaalka badnaa  Artyom iyo Sophia ,kuwaas oo bedelay Alexander iyo Maria oo sannadihii hore ayaa magacyadda kaalmaha ugu horeeya ku jiri jiray.
Marka la eego dalkaasi Faransiiska waxa uu noqday magaca Maxamed mid dhowaanahan ku dhex faafay ,isaga oo taariikhiyan ku yaraa,waxaana bugaagta dalkaasi Faransiiska lagu qoray magaca Maxamed qarnigii 20-naad dhexdiisii,iyada oo aan dadka loo bixin jirin magacan wixii ka horeeyey sannadkii 1925 kii,sidoo kalena waxa masaajidkii ugu horeeyey laga dhisay dalkaasi sannadkii 1926 kii ,kaas oo loo bixiyey masjid jaamaca weyn ee Paris,waxaana waqtigaasi qofkii ugu horeeyey loogu qoray buuga dhalashada magaca Maxamed.
Dadka magacan Maxamed la yidhaahdo ayaa dalkaasi gaadhey  sannadkii 1940 ilaa 2005  53,377 qof,kuwaas oo loo kala bixiyey Maxamed Cali,Maxamed Amiin,Maxamed Saalax iyo Sayid Maxamed .
Dalkaasi Shiishaan ayaa isagana lagu dhawaaqay sannadkii 2009 kii in wiilasha dhasha loo bixiyo magaca Maxamed ,iyada oo sidoo kalena qiimo gaara la siiyey dadka dhasha maalinta Isniinta,waxaana sidaas ku dhawaaqay madaxweynihii wadankaasi Ramadan Qadaroof,isaga oo sheegay in cidii magacaasi la baxda la siin doono 50,000 oo rubi una dhiganta 1394,000 oo Dollar.
 
 

Leave a Reply