Baarlamaanka Australia oo Ansixiyay Qeynuunka soo galootiga

0
403

Baarlamaanka Australia ayaa aqbalay isbadalka qeynuunka soo galootiga kaas uu ku jiro in dib loo soo saaro fiisayaasha muranka ka taagan yahay ee kumeel gaadh ah.
Tallaabooyinkaas ayaa la doonayaa in lagu sifeeyo kumanaan qaxooti ah oo haatan lagu hayo xarumaha ay maamusho Australia ee Papua New Guinea iyo Nauru. Waxaa loo ogolaan doonaan inay ku noolaadaan kana shaqeystaan Australia sadax ilaa shan sano inta ay ka dalbanayaan inay ku shaqeystaan muhaajirnimo ama fiiso ardaynimo. Hadii loo diido waxaa loo masaafurin doonaan dalka ay asal ka soo jeedaan.
Sodon kun oo magangalyo doon ah ayaa ku yimid doonyo ilaa August 2012 iyagoo ka soo gudbay Indonesia soona gaadhay jasiiradda Christmas, halka kuwa kalena ay isku daygooda ku qarqeen.
 

Leave a Reply