Koox cilmi baadhayaal oo ka tirsan dalka Maraykanka ayaa soo saaray in hoormoonka ghrelin oo ah ka qaabilsan gaajada markuu soo baxo ay maskaxdu kordhiso xusuusta. Hormoonka ayaa sababay inay maskaxdu soo celiso macluumad badan oo ku kaydsan . daraasadda ayaa intaasi ku dartay in calooshu marka ay madhan tahay ay hormoonadaasi maskaxda u kordhiyaan inay si firfircooni xusuusta u badiso. Darasadda aya intaasi ku dartay inay tani qofk u sahalayso inuu dhakhso u xusuuto arimo badan oo ka maqnaa. Waxase weli ay garan lah’ yihiin xidhiidhka ka dhexeeya gaajada iyo xusuusta.